Tartanka Qur’aanka Kariimkaa ee Gobolka Nugaal ayaa ka furmay magaalada Garowe.[Masawiro]
July 4, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa maantay sirasmi ah ugu bilowday Masjidka Al-huda magaaldda Garoowe Tartanka Qur’aanka kariimka Tartankaan oo ah mid loogu soo baxayo Tartanka Heer Puntland ayaa ahaa sanad kaan mid aad u xamaasad badan waxaana ardaydii ka soo qayb gashay oo tiradoodu dhamayd 60 Arday oo laga soo xulay Madaarista ku yaal gudaha caasimada ay soo bandhigeen sidda wanaagsan ee ay sanad kaan ugu diyaar garoobeen in ay kaalimaha ugu horeeya ee Tartanka Qur’aanka.
Xafladaan oo ahayd mid siwanaagsan uu u soo diyaariyay Xafiiska Dacwada Iyo Tacliin ee Mu’asasada Al-Minhaaj Gabolka Nugaal waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal C/lahi Ciise Aw Axmed Iyo Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf Sheekhul Baladka Waxaa kale oo ka soo qayb galay dadweyne aad u farabadan kuwaas oo soo buux dhaafshay Masjid .
Macalin Mukhtaar Muxumud oo ah Madaxa Xafiiska Dacwada Iyo Tacliinta ee Mu’asasada Al-Minhaaj Gobolka Nugaal ayaa kawar bixiyay qaabka ay ardaydaan u soo xuleen Iyo waliba Shuruudaha ay ku qiimaynayeen waxaana uu sheegay in ay ugu soo dhamaatay si wanaagsan waqti dheer ka dibna ay Madaraso walba soo gudbiyeen ardaydii u matali lahayd Tartanka.
Intaas ka dib waxaa lagu soo dhaweeyay Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf waxaana sheekh umada ugu dardaarmay in ay bartaan kitaabka Alle isagoo sheekhu ka digay in hadii bulshadu ay haraystaan barashada iyo kudhaqan ka kitaabka Allah ay Kadhalanayso Ciqaab.
Waxaa Xaflada si rasmi ah u furay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal C/laahi Ciise Aw Axmed waxaana uu bogaadiyay Mu’asasada Al-minhaaj dadaalka ay wado iyo howsha adag ee ay Bulshada u hayso dhanka kale waxaa uu ardayda kulataliyay in ay dadaalaan isagoo u rajaynayay in ay sanadkaan kaalimaha hore galaan.
no images were found
Nuur Jaamac Aadan
Garoowe,Somalia