Tartankii Quraanka Kariimka ee ka socday Gaalkacyo oo la soo gabagabeeyey.[Masawiro]
July 4, 2015 - Written by EditorGaalkacyo:waxaa lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Gaalkcyo ee xarunta Gobalka Mudug Tartankii is reebreebka ee dagmooyin iyo tuulooyinka Gobalka. Tartankaan ayaa bilowday Sabtidii hore oo ku beeg nayd 10 Bisha Ramadaan.
Tartankaan oo ay howshiisa gacanta ku haysay wadayna Mu’asasada Al-Minhaaj ee Gobalka Mudug ayna maalgaliso Sanad walba shirkada Korontada Gaalkacyo ee Nepco,ayaa ah kii noociisa ah oo la qabto sanadkii labaad laguna qabto Magaalo madaxda Gobalka Mudug ee Gaalkacyo.
Sanadkaan waxaa kaqayb galay Tartanka Magaaloyinka kala ah:-
Gaalkacyo ,Galdogob ,Balli Busle,Jariiban ,Xarfo iyo magaalada Cagaaran.
Ardayda ka qayb qaadatay Tartanka ayaa gaarayay 41 Ardayda oo isigu jiray saddexqaybood oo kala ah:-
1. Qaybta 1aad waxay ku tartamaysay Sodonka juz Ee qur’aanku kakoban yahay
2. Qaybta 2aad waxay ku tartamaysay Labaatan juz(20)
3. Qaybta 3aad na ay ku tartamaysay Toban juz(10)
Xaflada oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa ugu horayn waxaa lagu furfuray Aayaadka qur’aanka kariimka ah oo uu akhriyay aryda ka mid ah ardaydii sodonka juz ku tartamaysay.
Waxaa sidoo kale ka hadlay goobta gudoomiyahay Mu’asasada Al-Minhaaj ee Gobalka Mudug Sh.Muxamed Siciid Muuse
Dadkii ka soo qayb galay xaflada ayaa aad ula dhacay xaflada waxaa ka mid ahaa xubnahaas maamulaha shirkadii bixisay kharashkii ku baxay tartankan oo gaarayay 6000 $ waa shirkada Korontada Gaalkacyo Ee Nepco Yasiin Maxamuud Indhayare wuxuuna u hambalyeyey dhamaanba ciddii ka soo shaqaysay Tatankaan gaar ahaana mu’asasada al minhaaj ,isagoo sii raaciyay in ay sanadka dambana qaadana yaan tartankaan wuxuuna ka cod saday mu’asasadu in ayna ka siin shirkado kale Barnaamijkaan .
Ugu dambayntiina waxaa laguda galay Abaal marintii lasiinayay Ardydii kaalimaha kagashay tartan kaan soconayay usbuuca,iyadoo ardaygii ugu sareeyay la siiyay 500$ shahaadatu mushaaraka iyo alaabo kale,waxaa sidoo kale abaal marino iyo shahaadooyin lagu doonsiiyay mucalimiintii Tartanka qaadaysay
Sikastaba ha ahaatee waxaa si heersaraa kusoo dhamaaday tartankii oo boqolaal dadwaynaa goobjoog ka ahaayeen ,halka kumanaan kalana kala socdeen idaacada Qur’aanka Al-Xikma oo si toos ah utabinaysay Tartanka.
no images were found
Cawil Axmed Muumin
Mu’asasada Al –Minhaaj Gaakacyo