Ururka Badbaado oo kala qayb qaatay ciida fidriga Caruur agoon iyo danyar isku jirta.[Masawiro/Video]

July 18, 2015 - Written by Editor

11748734_1599528180306136_708431074_nBorama:-Ururka Dhalinyarada Badbaado ee magaalada Borama oo inta badan ka shaqeeya faafin ta Diinta Islaamka iyo caawinta dadka danyarta Iyo agoomaha ayaa waxa ay Ciidsiyeen Caruur gaadhaysa 64 iskugu jira agoon iyo danyar isaga oo markaasi ururku uu ugu talo galay in ay la farxad caruurta kale ii maalintaas ciidaysa

Deeqda Lagu Ciidsiiyey Caruurta Iskugu Jirtay Agoonta Iyo Danyarta ayaa waxa laga soo ururiyey mid ka mid ah masaajidada ku yaal magaalada borama waxaana gacan weyn ka qeystay ururintan deeqda sh.xasan khayre dirir. Munaasibad uu Ururka Dhalinyarada Badbaado uu qaybtaas Caruurtaas ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxda Gobolka ka Degmada Boorama,Culumo awdiin Iyo Marti sharaf Munaasibaadaas ka Soo Qayb Gashay.

Gudoomiyaha ururka Dhalinyarada Badbaado Ciise Cumar A/laahi oo halkaasi ugu horeyntii ka hadlay ayaa faah Faahin Ka Bixiyey Uujeedada ay munaasibadaas ay uu qabteen. Sidoo kale waxa iyagna halkaasi ka hadlay Sh.Xasan Khayre Dirir, Sh.Maxamed Bile Maxamed iyo Gudoomiyaha Shirkada Telesom Ee G.Awdal Haaji A/qaadir Aadan Nuur .

no images were found

 

Badhasaab ka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaaax Iyo Duqa Degmada Borama Maxamed Xuseen Maydhane Oo Goobtaasi ka hadlay ayaa Dhalinyarada ku dhiirigeliyey in ay dadaalkooda ay halkaasi ka sii wadaan isaga oo duqa degmada boramana uu balan qaaday in uu bixinayo 10 caruura ciidooda.

Si Kastaba ahaate waa markii labaad ee Ururka Dhalinyarinyarada Badbaado Uu Caruurta Danyarta Iyo Agoonta Uu Ciidsiiyo Iyaga Oo Sanadkii Hore Ciidsiiyey 45 Caruur ah waxa uu ururku hadda ku hawlan yahay ururinta saakadu fidrida oo markaasi ay uu qaybinayaan dadka danyarta iyo agoonta iskugu jirta eek u nool magaalada Boorama.

Hoos ka Daawo Ururka Badbaado Oo Ciidsiiyey Caruur yar yar

Ururka dhalinyarada Badbaado
Boorame, Gobolka Awdal

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online