Warmurtiyeed: Kulankii dhexmaray DFS , Dawladda Puntland Iyo Jubbaland.[akhriso]

July 19, 2015 - Written by Editor

medium_9nPKlFTpGaroowe:-Waxaa booqasho qaadatay 11 ilaa 19 julay 2015 ku yimid magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland wufuud ay kala hogaaminayeen Ra’isul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Madaxweynaha Dawladd Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, kullan wadatashi oo ay wada qaateen iyaga iyo dawladda Puntland ayaa waxaa kasoo baxay qodobada soo socda.

  1. Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Waxay isku raaceen Raysulwasaaraaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Dawladaha Puntland iyo Jubbaland in la ilaaliyo Dastuurka Dawladda Federaalka iyo hanaanka Federaalka Soomaaliya, islamarkaana wax-kasta oo la qabanayo ama lasamaynayo loo maro sida uu qabo Dastuurka Federaalka Soomaaliya.

  1. Midnimada Umadda Soomaaliyeed

Waxay sidookale Madaxdu isku raaceen ilaalinta midnimada umadda Soomaaliyeed iyo in la adkeeyo amniga guud ee dalka meelna looga soo wada-jeesto cidkasta oo wax u dhimaysa nabad-gelyada dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

  1. Xiriirka Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka

Waxay labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland u gudbiyeen Dawladda Federaalka Soomaaliya argtidooda ku aadan dhamaystirka dhismaha dawladd Federaal ah ee Soomaaliyeed oo waafaqsan Dastuurkii lagu hashiiyey , waxayna soo jeediyeen in la xoojiyo wada-tashiga iyo xiriirka wada-shaqeyneed ee ka dhaxeeya Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah.

  1. Dib u heshiisiinta Umadda Soomaaliyeed

Waxay ku baaqeen Raysal-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Puntland iyo Jubbaland in la fidiyo gogol dib-u-hashiisiineed oo loo samaynayo bulshada Soomaaliyeed si loo gaaro is-afgarad iyo xal waara.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online