Wasiirka Dastuurka DFS Xuseen Maxamed oo ka warbixiyey safarkodii Puntland.[Dhagayso]
July 20, 2015 - Written by EditorGaalkacyo:-Wasiirka Dastuurka iyo Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya Xuseen Maxamed Sheekh ayaa waxaa uu ka war bixiyey socdaalkii 10 cisho ahayd oo ay ku sugnaayeen Puntland wafdigii Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hogaaminayey Cumar Cabditrashiid Cai Sharmaake in si wanaagsan ay u soo dhaweeyeen shacabka iyo dowladda Puntlandba.
Wasiirka Dastuurka iyo Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya Xuseen Maxamed ayaa sheegay in ay ka garaabeen dareenka shacabka reer Puntand oo ay kulamad la qaateen safaradii ay ku kala bixiyeen magaalooyinka Garoowe, Qardho iyo deegaaada u dhexeeya Burtinle iyo Gaalkacyo.
Dhanka kale Wasiirka Dastuurka iyo Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya Xuseen Maxamed Sheekh ayaa sheegay in wada hadaladii uu wada yeesheen wafdiga Ra’iisul wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiir Cali sharmaake iyo Madaxda Jubaland iyo Puntaland diirada lagu saaray Hiigsiga Soomaaliya ee 2016-ka iyo siddii dalkaan loo gaarsiin lahaa dowladnimo dhab ah iyo Dastuur dhamaystiran oo afti loo qaaday.
Wasiirka Dastuurka iyo Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya Xuseen Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha DFS Xassan Sh Maxamuud ay u gudbin doonaa fariinta ay ka wadaan madaxad Puntland , Jubaland ka dibna wax la iska oran doono cabashada ay ka qabaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hoos ka Dhagayso hadalka Wasiirka Dastuurka iyo dowladda Faderaalka ee Soomaaliya Xuseen Maxamed Sheekh
[audio:https://www.halgan.net/Mp3/wasiirka.mp3]
Halkaan ka Dhagayso Mp3
M_M_Deeq
Halgan.net