Wasiirka Gaashaandhigga “Waxaan xoojin doonaa tayada iyo tababarka Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya, si cadowga looga guuleysto”

July 15, 2015 - Written by Editor

11751166_1469564006674517_974615654_nMuqdisho, July 15, 2015…Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta kormeer ku tagey xarumo dhowr ah oo leeyihiin Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyed, waxana uu halkaas kula hadlay  Ciidankii joogay, iyadoo uu kormeerka ku weheliyey Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka S/G Daahir Aaden Cilmi iyo xubno ka socday madaxtooyada dalka.

Wasiirka ayaa booqday xarunta tababarka Ciidanka ee Jazeera halkaas oo dhoolatus millatari ay ka wadeen ciidamadda Xoogga, waxana uu   ku amaanay qaabka ay tababarka u qaadanayaan, isagoo kula dar daarmay ciidanka ka tirsan kumaandooska Qaranka in awoodooda ay ku difaacaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.Sidoo kale, Wasiirka ayaa tababar u furay boqol askari oo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Gen. Cabdiqaadir sheekh Cali Diini ayaa u sheegay ciidanka kumaandooska ee maanta dhoolatuska sameeyay iyo kuwa uu tababarka u furay intaba inay ilaaliyaan sumcadda iyo sharafta ay ku dhex leeyihin dalkooda iyo dadkooda , isagoo uga digay isticmaalka mukhaadaraadka oo uu qaadka ugu horeeyo.

“Waxaad na tusteen muhiimadda iyo sharafta ciidanku leeyahay, bulshada Soomaaliyeed waxay sugayaan wa idinka iyo dadka idin lamid ka ah, duruusta aad barateen waxaa la doonayaa inaad uga faaiideysaan ummada Soomaaliyeed si dalka looga xoreeyo cadowga kusoo duulay”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga oo intaas ku daray.

“Waxaan xoojin doonaa tayada iyo tababarka Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya, si cadowga looga guuleysto, hadda waxaa dhisme ku socdaa xarumo badan oo leeyihiin ciidanka Xoogga si loo gaaro hadafka fog iyo mid dhexe ee lagu doonayo horumarinta qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan dhismaha ciidanka oo muhim u ah soo kabashada dalkeena”.

Ugu danbeyn, Wasiirka ayaa booqday Xarunta Akeedeemiyada Saraakiisha oo dhismaheedu ka soconayo deegaanka Jazeera, waxana uu halkaas warbixin uga dhigeystay masuuliyiinta gacanta ku haya dhismaha xerada.

no images were found

—-DHAMMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online