Wasiirka Warfaafinta ee dowladda Puntland oo BBC-du ka waraystay Maamulka cusub ee Gal-Mudug.[Dhagayso]
July 6, 2015 - Written by EditorLondon:-Dhawaan waxaa magaalada Cadaado lagu doortay madaxweynaha cusub ee dowlad goboleed ka Gal-Mudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed oo durbaba mucaarad xoog leh kala kulmay maamulka Puntland.
Wasiirka Warfaafinta ee dowlad goboledka Puntland, Maxamuud Xasan Soocade, oo BBC u waramay ayaa sheegay inaysan aqoonsanayn madaxweynaha cusub ee Galmudug, wax wadahadl ahna aysan la galaynin inta maamulkaasi uu sheeganayo dhul Puntland ka mid ah, waa sida uu hadalka u dhigayee.
Hoos ka Dhagayso Wasiir Soocade oo waraysi siiyey BBC-da weriyaha BBC Cabdirisaaq Xaaji Catoosh.
[audio: http://wsodprogrf.bbc.co.uk/somali/dps/2015/07/puntland_reax_on_galmudug_150705_puntland_galmudug_au_bb.mp3]Source: BBC-da