Xaflada caleema saarka Madaxweynaha Gal-Mudug oo ka socota Degmada Cadaado
July 23, 2015 - Written by EditorCadaado:-Waxaa maanta ka socda Degmada Cadaado xaflad lagu caleemasaarayo madaxweynaha maamulka Gal-Mudug, C/kariim Xuseen Guuleed. Xaflada caleema saarka ayaa waxaa ka soo qayb galay wafdi uu hogaaminayo madaxweynah DFS Xassan Sh. Maxamuud ,Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya , Midowga Yurub, Midowga Africa iyo IGAD, Wakiilka Qaramada Midoobey Nicholas Kay iyo Wakiilka IGAD Maxamed Cabdi Afey, Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Goobta Xaflada caleema saarka ay ka dhacaysay ayaa waxaa amaankeeda sugayey ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya iyo ciidanka nabadsugida Dowladda Federaalka Soomaaliya , masuuliyiinta goobta ka hadlay ayaa dhamaantooda hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Gal-Mudug iyagoo ugu baaqay in laga shaqeeyo sugida amniga.
Wakiilka Qaramada Midoobey Nicholas Kay,Wakiil Midowga Yurub ayaa tilmaamay in muhiim tahay in maamul la dhisayo uusan carqalada ku noqon maamul jiray iyagoo tilmaamay in Puntland uu jiray hishiis ay wada gaareen Ra’iisul wasaarihii hore ee DFS Cabdiweli Sheekh Maxamuud hishiiskaasna ay taageersan yhiin waxaa kale oo ay ugu baaqeen madaxda cusub ee Gal-Mudug in ay hishiis ay la gaaraan Ahlusunaha.
Wakiilka Midowga Yurub ayaa bogaadiyey qabsashada ay ciidanka huwanta ah ay qabsadeen degmada Baardheere lagana doonayo maamulka cusub ee Gal-Mudug ay deegaanada ay shabaab haystaan ay kala wareegaan gaar ahaan Xarardheere, Ceel Dheer iyo goobaha kale.
A/cawaale
Halgan.net