Axmed Maxamed Islaam oo noqday mar 2aad Madaxweynaha J/land (Masawiro)

August 15, 2015 - Written by Editor

3Kismaayo:-Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku guuleystay doorashadii Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, kadib markii uu helay wareegii koowaad 68 cod waxaana la tartamayey 3 musharax,

Xildhibaanada baarlamaanka Maamulka Jubbaland oo gaaraya 74 xildhibaan ayaa waxaa ay codka u dhiibanyeen si xamaasad leh waxaana laga wada daawanayey qaar ka mid ah TV.yada Soomaalida.

Saddexda musharax kale ee la tartamayay Axmed madoobe ayaa labo ka mid ah waxay heleen mid labo cod, halka midka 3aad uusan wax cod ah helin waxaana ay dhamaan hambalyo u direen Madaxweynaha Juba land Axmed Madoobe.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay natiijada codka, isagoo sheegay in Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe uu helay 68 cod sidaana uu ku yahay Madaxwynaha rasmiga ee Jubaland.

no images were found

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland ayaa Markii uu dhawaaqay in Axmed Madoobe uu ku guuleystay Madaxweynaha Jubbaland waxaa hal mar is qabsaday magalooyinka Jubaland qaar ka mid ah dabaal degyo waxaana si weyn looga dareemay magaalada Kismaayo ee xarunta goblka J/ hoose.

Intaas ka dib ayaa waxaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland uu u dhaariyey Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online