Col. C/raxmaan Cabdi Dhimbil Ciidanka Itoobiya kama amar qaataan AMISOM (Dhageyso)
August 17, 2015 - Written by EditorHiiraan:-Taliyaha Ciidammada AMISOM ee Gobollada Dhexe Col. C/raxmaan Cabdi Dhimbil ayaa maanta warbaahinta kula Hadlay magaalada Beledweyne ayaa ka bixiyay Sababihii keenay inay ciidanka DFS iyo kuwa Jabuuti ay uga soo baxeen deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.
Col. C/raxmaan Cabdi Dhimbil ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ee Howlgala gobalka Hiiraan aysan ka amar qaadan Taliska AMISOM balse ay toos uga amar qaataan magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Taliyaha Ciidammada AMISOM ee Gobollada Dhexe Col. C/raxmaan Cabdi Dhimbil ayaa sheegay ciidamada Itoobiya ee howlgala kula jiray ciidanka DFS iyo kuwa Jabuuti ee qabsaday deegaanada Nuur-Fanax,Booco, Buq-aqablle, Ceel-cali, Buq-goosaar, iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan ay ka tirsanayey AMISOM ayna soo faaruqiyeen deegaano dhowr ah .
Col. Dhimbil ayaa sheegay in ay wargaliyeen madaxada DFS in ciidanka Itoobiya aysan ka amar qaadan AMISOM ayna ka war sugayaan madaxda DFS.
Hoos ka Dhageyso Wareysiga Taliyaha Ciidammada AMISOM ee Gobollada Dhexe Col. C/raxmaan Cabdi Dhimbil
Dhanka kale Wasiirka G/dhiga DFS General Cabdulqadair Sheekh Cali Diini, ayaa ka hadlay warar sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah ee ku sugan Soomaliya aysan ka amar qaadan Taliska AMISOM.
Wasiirka G/dhiga DFS General Cabdulqadair Sheekh Cali Diini oo wareysi isna siiyey idaacadda VOA-da, ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya ay ka tirsan yihiin ciidanka AMISOM balse wuxuu qiray in ay mar marka qaar dalkooda la xiriiraan kana amar qaataan .
Wasiirka G/dhiga DFS General Cabdulqadair Sheekh Cali Diiniayaa cadeyn waayey mowqifka DFS ee ciidamada Itoobiya kuwaas oo ku sugan deego badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya.
Hoos ka Dhageyso wareysiga idaacadda VOA-da uu siiyey Wasiirka G/dhiga DFS Soomaaliya.
A/Cawale
Halgan.net