Degmada Waaciye oo lagu soo afmeeray waxqabadyadii dacwo ee xilliga Xagaaga.[Masawiro]
August 30, 2015 - Written by EditorWaaciye: xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta dugsiga hoose dhexe ee degmada waaciye galabnimadii jimcaha 28/8/2015, xafladdan oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada kuwaas oo aan ka xusi karno: maamulka degmada, guddoonka waxbarashada degmada, Mu’asadada Al-minhaaj, jaamacadda bariga Africa faraca Qardho, cuqaal culimo awdiin, haween, iyo dhalinyaro.
Xafladan oo u jeedkeedu ahaa munaasabad lagu soo afmeerayay waxqabadyadii dacwo ee xilligii xagaaga lagu qabtay degmada waaciye ayaa waxaa hadallo ka jeediyay mas uuliyiintaas aan soo sheegnay kuwaas oo ku nuux nuuxsaday muhimadda ay lahayd nashaadaadkii laga qabtay magaalada iyo miraha ay dhaleen soona jeediyay hanbalyo iyo bogaadin ku aaddan waxqabadkaas iyo intii ka shaqaysayba.
Ugu horrayn waxa kelmad wacdi iyo waano isugu jirta oo aad u qiima badan soo jeediyay qur’aankii lagu furay ka dib Sh C/raxmaan Maxmed Dhowre (Bukhaari). ka dib waxa ka warbixiyay barnaamijkii xagaaga ee saddexda bilood ka socday degmada waaciye .
Sh Maxmed faahiye Ciise ayaa sheegay in barnaamijka sanadkan uu ka bedelnaa kuwii hore iyadoo lagu soo daray hawlqabdayo ay ka mid yihiin, furitaanka machadka abuubakar, kulamo wacyi gelineed, iyo Macalimiinta Quraan ka oo lagu tababaray cilmiga tajwiidka qaab cusub oo loo yaqaano (talqiin wa tasxiix),waxqabdyadaas ooo tiradoodu ahayd (13) dhinac ayna ka faa’iidaysteen dad ka badan 1300 oo isugu jira rag dumar iyo dhalinyaro, wuxuuna intaas ku daray in loo baahanyahay in laga shaqeeyo dacwada lalana garab istaago hiil iyo hooba.
Maclin Axmed Maxamed Aadan, Sh Xuseen Macalin Yuusuf ayaa dhankooda ka warbixiyay casharadii ay bixiyeen iyo sida ay ardaydu uga faa’iidaysteen sheegayna inay ku farx sanyihiin in maanta loo fadhiyo gabagabada barnaamijkii ay muddada soo wadeen.
Guddoonka waxbarashada degmada Qaasim Ismaaicil Axmed, madaxa dacwada iyo xiriirka Gobollada ee Mu’sada minhaaj Cisamaan Maxmuud Xaaji Dirir, iyo Xoghayaha Jaamacadda Bariga Africa xarunta qardho ayaa dhankooda soo dhoweeyay shaqooyinka la qabatay iyagoo ku tilmaamay inay ahayd mid wax ku ool ah una baahan in lasoo xoojiyo.
Caaqil CIsmaan Ismaaciil Barre ayaa dhankiisa ku nuuxnuuxsaday siduu ula dhacsanyhay barnaamijyada dacwo ee ka socda degmada isagoo sheegay in ay waxbadan dhiman yihiin loona baahanyihiin in laysu kaashado sidii looga shaqayn lahaa dacwada oo ah tan keliya ee aan ku badbaadi karno adduun iyo aakhiroba.
Gabagabadii xafladda ayaa waxa la guddoonsiiyay howlwadeenada dacwada iyo macalimiintii ka qaybqaaditay barnaamijka xagaaga shahaado sharafyo, sodoo kale ardaydii ka faa’iidaysatay barnaamijka shahaadooyin muujinaya cilmigii ay qaateen, shahaadooyinka waxa aka mid ahaa shahaado si gaar ah loo guddoon siiyay Eng. Khaliif Xaaji Ismaaciil oo ka shaqaynay horumarinta degmada waaciye dhinacyada dacwada waxbarashada iyo horumarinta arimaha bulshada muddo ka badan 20 sano. Xafladda oo ku soo idlaatay sidii loogu tala galay ayaa waxaa soo xiray Xoghayaha Maamulka Degmada Caraale Axmed Ibraahim.
no images were found
Mu’assada Al-Minhaaj,
Waaciye,Somalia