Dowradii 7 ee Quraanka kariimka oo lagu soo Afmeeray magaalada Örebro ee dalka Sweden (Masawiro)
August 16, 2015 - Written by EditorÖrebro :-Waxaa maanta lagu soo gaba gabeeyay dowradii 7 ee Quraanka kariimka ah ee sanadlaha ahayd oo ay qaban jireen Masjidka Örebro ee dalka Sweden iyo Musasada European Muslim Association (EMA) oo kaashaneeysa Maraakisteeda Europe waxaa ka qeyb galay dowrada sanadkan 41 arday .
Dowrada sanadkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay wufuud ka kala timid meelo kala duwan oo ka tirsan wadamada Iskaandinefiyanka,Sacuudi carabiya iyo dalka Imaaraadka waxaana ardaydii ka faa,ideystay dowrada la siiyey abaal marino kala duwan.
Dowrada sanadkan ayaa waxaa ay arayda xifdiyeen 20 ilaa 16 juz waxaana 3 ka mid ah ardayda la siiyey Jaa,izo waxaana sanadkan dowrada soo xiray Gudoomiyaha Masjidka Al-Nuur Sheekh Maxamed Awil Cali waxaana kalmid isaga oo ku hadlaya Afka Musasada EMA ka jeediyey Sheekh Guuled Maxamed Cali.
Gabagabadii ayaa waxaa loo mahad celiyey dhamaan waaridiintii iyo dhamaan macalimiintii ka qeyb qaatay dowarada 7aad ee xifdinta Qu,aanka kariimka Örebro ee dalka Sweden waxay kala yihiin.
no images were found
.Culumada iyo Ducaada Sanadkan ka qeyb gashay Xirtaanka dowrada 7aad ee xifdinta Qu,aanka Kariimka ee lagu qabtay Masjidka weyn ee Örebro ee dalka Sweden
1-Sh Mohamed Awil Ali
2-Sh Guled Mohamed Ali
3-Sh Saxane Mohamed Abdala
4-Imaam Ahmed Hambali
5-Camera man Mohamed Jama
6- Sh C/qaadir Salaad oo isaga ka mid ah Maamulka Masjidka weyn ee Örebro
Musasada European Muslim Association (EMA)
Örebro
Sweden