Faahfaahin Weerar lagu qaaday ciidanka J/land oo geystay khasaaro kala duwan

August 22, 2015 - Written by Editor

qaraxKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in weerar is miidamin ah lagu qaaday xarunta Jaamacada Kismaayo oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland halkaas oo tababar uga socday.

Warar hordhac ah oo ay heshay Halgan.net ayaa sheegaya in 9 ka tirsan ciidanka J/land iyo 3 askari oo ka tirsan AMISOM ay ku geeriyoodeen weearka halka 20 kale ay ku dhaawacmeen.

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in shaqsiga is qarxiyey uu ahaa sarkaal ciidan oo xerada laga yaqaanay waloow arinkaas aysan wili xaqiijin masuuliinta Maamulka J/land.

Ciidanka J/land iyo kuwa AMISOM ayaa soo gaaray Goobta qaraxu ka dhacay waxaana ay howlgalo ay fuliyeen ay ku qabteen 4 qof sida uu warbaahinta u xaqiijiye Col. Axmed Caato oo ah ku xigeyn Taliyaha Ciidamada Isku dhafka ah.

Weerarka lagu qaaday ciidanka J/land ayaa waxaa cambaareeyey Raisulwasaaraha DFS iyo Madaxweynaha J/land Axmed Maxamed Islaan (Axmed Mad00be).

Weerarka ayaa waxaa sheegtay Kooxda Al-Shabaab in ay iyagu fuliyeen .

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online