Gabay Qabyaalad Diid W/T Abwaan Ismaaciil Maxamed-Cali (Akhriso)

August 13, 2015 - Written by Editor

ismailGabaygan aan u magacbixiyay QABYAALAD-DIID waxa igu dhaliyay ka dib markaan dhagaystay ama daawaday muxaadaro maqal iyo muuqaal ah oo uu jeediyay Sh. Dr. Axmed Jamac Ismail Mire ciwaan keeduna ahaa QABYAALADDA IYO XUMAANTEEDA sheekhu wuxu si faahfaahsan uga hadlay foolxumada qabyaaladda iyo halkay soomaali dhigtay gabogabadii sheekhu wuxu ku gunaanaday saddex gabay oo uu tiriyay oo ka hadlaya qabyaaladda waxaanu yidhi waxan rajaynayaa inuu gabayaaga u noqdo muftaax ama fure alle haka abaal mariyo sheekha, runtii aniga oo in badan niyadda ku hayay in aan mar uun maanso ka tiriyo cudurkaa hadaynu soomaali nahay ina halaagay halkaynu ognahayna ina dhigay ee QABYAALADDA , ilaahay amarkii hadalkaa sheekha ayay igaga curatay tixdan yar ee aan u bixiyay QABYAALAD-DIID waxaanay sawir ka bixinaysaa haadaanta ay soomaali ka tuurtay qabyaaladdu. haddaba waxay tidhi

qaaflayda gabay waayadaa, qawl isma lahayne
waataan qafilay erayadaan, qaybta u lahaaye
hayeeshee waxbaa igu qasboo, waan u qumayaaye
waa QABYAALAD-DIID maansadaan maanta qaayibaye
aan qorsheeyo caawoo kaluu, qaabad leeyahaye

soomaalida waxa qoqobay, qabali weeyaane
anaa qudhaca anigaa qansaxa, la isu qooqaayo
in qabiilka lagu faanabaa , loo qab-weyn yahaye
basal-qudhuntay weeyaan siduu, qeexay gabayaaye
waa kuwaa iswada qoomay gabi, qaajo iyo maage

waa qabyaalad waxa loo qarribay, qaran wanaagiiye
waa qabyaalad waxa loo qallibay, quruxsanaantiiye
waa qabyaalad waxa loo qoqobay, qaabka ay tahaye
waa qabyaalad waxa loo qabsaday, loona qayb sadaye
waa qabyaalad waxa qaadhayee , qayr kale u dilaye
waa qabyaalad waxa quwad tiree, looga qaalibaye
waa qabyaalad waxa qaasiree, laysu quudhsadaye
waa qabyaalad waxa qaali dumar, qadiyay guurkiiye
waa qabyaalad waxa dhalin qunnayd, qaayibee dilaye
waa qabyaalad waxa loo qarraqay, qool iyo tahriibe
waa qabyaalad waxa qaafil gabadh, qaawis loo badaye
waa qabyaalad waxa ay qilaaf, isu qaniinaane
waa qabyaalad waxa qayb sharciga, diinta loo qubaye
waa qabyaalad waxa qiiq la shiday, qumuc rasaaseede
waa qabyaalad waxa loo qudh-baxay, qoorta lays jaraye
waa qabyaalad waxa loo qatalay, qaaid iyo shiikhe
waa qabyaalad waxa loo qaxee, loo qulqulayaaye
waa qabyaalad waxa qaarad kale, loo qariib yahaye
waa qabyaalad waxa ubad qurxoon, gaal u qayb sadaye
intaasoo qadhmuun iyo uskagi, waa qiraal dhaba’e
intaan qarinayaabaa ka badan, qawlka aan idhiye
waxa aan la qiiroonayaa, qoomamiyo ciile
marmarbaan qamuunyada darteed, qulub la ooyaaye
qalfoof madhan sidiisaan socdaa, qaa’ibbaan ahaye
ma qayiro ilaahay dad aan, qaabadood sixine
waa qabyaaladdii oo qaawanoon, qaydna loo xidhine
qudka dumiya waa sida asnaam, qaabka ay tahaye

W/T Ismaaciil Maxamed-cali
Helsinki Finland
ismaaciil6666@hotmail.com

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online