Golaha deegaanka Garoowe oo doortay Duqa degmada Garoowe iyo ku xigeenkiisa

August 20, 2015 - Written by Editor

DSC019791Garoowe:-Xassan Maxamed Ciise Goodir ayaa waxaa uu ku guulaystay xilka gudoomiyaha golaha deegaanka ahna duqa caasimadda dowladda Puntland ee magaalada Garoowe, doorashada loogu tartamayo gudoomiyaha golaha deegaanka ahna duqa magaalada Garoowe iyo ku xigeenkiisa ayaa waxaa ay ka dhacday saaka xarunta cilmi baarista ee PDRC.

Tartanka wareega saddexaad ayaa waxaa iskugu soo haray labo musharax oo kala ah Xasan Maxamed Ciise Goodir oo helay 15 halka Cawil Sheekh Xaamud uu helay 12 cod halkaas oo guuusha ay ku raacday Xassan Maxamed Ciise.

Musharax Xassan Maxamed Ciise Goodir ayaa waxaa uu ka mid ah ganacsatada gobolka Nugaal wxaan lagu xasuustaa oo uu ka soo shaqeeyey dhismayaasha wadooyinka iyo mashaariic laga fuliyey magaalada Garoowe .

Waxaa sidoo kale dhawaan la soo afmeeray tartanka ku xigeenka Duqa Caasimada Puntland ee Garoowe waxaana ku guulaystay Cismaan Maxamed oo wareegii saddexaad ay tartameen Caasho, Cismaan Maxamed ayaa waxaa uu helay 16 cod halka Caasho ay ka heshay 11 cod.

Xilka musharaxnimada gudoomiyaha golaha deegaanka ahna duqa caasimadda dowladda Puntland ee magaalada Garoowe ayaa waxaa u tartamay ilaa 6 musharax waxaan natiijada ku dhawaaqay wasiir arrimaha gudaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online