Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS oo ka hadlay Maamulada ka jira Soomaaliya.[Dhagayso]
August 31, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof.Maxamed Cismaan Jawaari oo hadal ka jeediyey shir lagu qabtay magaalada Muqdisho loogana hadlayey dib u eegista Dastuurka Qabyada ee Dalka ayaa waxaa uu sheegay in maamullada ka jira dalka marka laga reebo dowladda Puntland ay yihiin kuwo aan heysan wax sharciyo ah oo buuxda.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof.Maxamed Cismaan Jawaari ayaa yiri ” Wax la yiraahado dowlada goballeed uu aqoon san yaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ma jiraan oo aan ka ahayn Puntland oo ka horeysay Dastuurkaan wax kale oo dhan waa maamulo ku meel gaar ah oo lagu dhisay go’aan siyaasi ah oo aan sharci aheyn.”
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof.Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in ay muhiim ah ay tahay in saxaafadda iyo siyaasiyiinta hadalada ay adeegsanayaan ay u heleen sharciyad. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof.Maxamed Cismaan jawaari ayaa sidoo kale xusay in ay muhiim tahay in la fahmo shuruudaha ay maamulada ku noqon karaan dowladda Gobolleed xubin ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya taas oo uu sheegay in guddiga xuduudaha ee baarlamaanka loo igmaday arrimahaas lana dardar gelin doono.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof.Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sidoo ale sheegay in Puntland looga baahan yahay oo kaliya in Dastuurkooda ay waafajiyaan midka Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay u dhamaystiranto in ay ka mid noqoto dowladda xubita ka noqonaya Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
Hoos ka Dhagayso Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari
[audio: http://k001.kiwi6.com/hotlink/v63q64pmuk/jawaari.mp3]A/cawaale
Halgan.net