Imaamka Masjidka Xaramka Ee Macca oo si adag uga Hadlay Kooxda Khawaarijta Ee Daacish (Dhageyso)
August 14, 2015 - Written by EditorMecca:-Khudbadii Jimacaha ee Masjidka Xaramka ee Mecca ayaa waxaa looga hadlay baadida kooxda Khawaarijta Ee Daacish waxaana khudbada akhriyey alaha dhowree صالح بن عبدالله بن محمد بن حميد Xafidahulaah.
Sheekh Dr Saalax ayaa si adag uga hadlay kooxda Daacish iyo dhibaatada ay ka geystay wadamada Islaamka iyo dhiiga Muslinka oo ay caadeysatay in ay daadiso waxaana u danbeeyey qaraxii dad Muslinka tukanayey ay ku qarxiyeen Masjidka ku yaal Magaalada Abha ee dalka Sacuudiga Carabiga.
Sheekh Dr Saalax Bin Claahi Bin Maxamed Bin Xumeyd ayaa aad ugu dheeraaday fasaadka kooxda Daacish iyo kuwa la afkaar wadaaga wuxuuna sheegay in ay dalalka Muslimiinta u gacan galinayaan cadowga Islaamka ayna u shaqeeyaan hay,ado shisheeye.
Imaamka Masjidka Xaramka ee Mecca Sheekh Dr Saalax Bin Claahi Bin Maxamed Bin Xumeyd ayaa ugu danbeyn la dardaarmay dhalinyarada Muslinka ah ee khayrka jecal wuxuuna uga digay in ay ku kadsoomaan kooxda Daacish oo inxiraafkooda uu noqday mid muuqda oo aan ka qarsaneyn qof walba oo caqli u saaxiib ah .
Hoos ka Dhageyso Khudbadii Jimcaha ee Masjidka Xaramka ee Mecca oo u uAkhrinayo Sheekh Dr Saalax Bin Xumeyd
[audio: https://halgan.net/Mp3/Khudbad_jimca.mp3]Ama Halkan Mp3
Halgan.net