Jaajuusnimada lagu xiray dhalinyaro Soomaali ah oo ay FBI oo ku bixisay lacag dhan $41,000 dollar Maraykanka
August 7, 2015 - Written by EditorMinnesota:- Fariin wareed lagu daabacay wargeyska startribune ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa waxaa uu qoray in Ciidanka Sirdoonka ee dalka Maraykanka ee loo yaqaan FBI aya ku bixiyeen lacag gaaraysa ilaa 41.000 dollar si ay u hellaan xoga dhinac Jaajuusnimada ah si loo helo xog ragg looga shakisnaa shirqool argagixiso ee lala damacsanaa Twin Cities.
ilaa lix dhalinyaro ah oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaali kuna nool Minnesota ayaa waxaa lagu eedeeyey in ay doonayeen in ay u safraan dalka Suuriya si ay ugu biiraan Ururka ISIL ama loo yaqaan Daaich. Dhalinyarad la eedeeyey ayaa waxaa ay kala yihiin Hanad Mustafe Musse oo 19 jir ah , Guuleed Omar, oo 20 jir ah , Zacharia Yusuf Adurahman oo 19 jir ah , iyo Adnan Cabdixamiid Farah oo 19 jir ah.
Dhalinyaradaan Soomaaliyeed ee da’da yar ayaa waxaa lagu xiray ka dib markii dad Soomaali ah ay ka qayb qaateen in ay Jaajuusaan iyagoo lacag dhan $41,000 dollar Maraykanka ka qaatay Sirdoonka Maraykanka FBI si loo xiro dhalinyaradaan Soomaaliyeed.
Dhinac kale qareenka u doodayey dhalinyaradaan 7-da ah ayaa waxaa uu ku dooday in dadka Jaajuusiinta ah ee la shaqeeyey FBI lacagahana ka qaatay la keeno Maxkamada si su’aalo loo wiidiiyo. wararka soo baxay ayaa sheegay in dadka jaajuusiinta u noqday FBI ay isku furteen arrinkaas ka dib dambiyo ay galeen awgeed Halkaan ka akhri qoraalka lagu daabacay Wargeyska Startribune
Halgan.net