Kulan u dhexeeya Qurba Joogta Gobolka Sool iyo guda Joogta oo lagu qabtay Laascaanood.[Masawiro]
August 9, 2015 - Written by EditorLaascaanood:-Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa maalinimdii shalay lagu qabtay shirwayne u dhexeeya Qurba joogta iyo gudo joogta magaalada Laascaanood ku sugan. Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Jaamacada Nugaal , Ururka xirfadlayaasha Caafimaad, Ururka Daljir ee Deegaanka , Maamulka Jaamacad Nugaal iyo Ururka ay ku midoobeen Ardaydka ka qalin jabisay Jaaamcada Nugaal University.
Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa horumarinta arimaha waxabashada , caafimaadka , dhaqaalaha iyo ganacsiga , iyo wada shaqaynta u dhaxaysa qurba joogta gobolka , iyo gudo Joogta gudaha . Intii uu socday kulanka ayaa waxaa gooob joog ka ahaa Qurbo- joogta , Ururada Maxaliga ah, Hayaddaha caalamiga ah ee ka hawlgala deegaanka , Ganacsatada , Culumada Diinta , Aqoon yahanka oo ay Hormuud ka tahay Jaamacdda Nugaal ,wada tashi dheer ka dib waxaa la isla arkay inay muhiim tahay Arrimaha hoos ku xusan:-
1. In la joogteeyo shirka Xagaaga ee Qurbojoogta & Qaran joogta Gobolka Sool si loo Abuuro Jawi is Aaminaad & Nidaam wada shaqayn iyadoo laga duulayo Isku tashi dhab.
2. In Dadaallada Horumarineed ee Deegaanka kasocda lamideeyo , Gudo Joogta & Qurbo joogtana si wada jir ah looga wada qayb qaato.
3. In Arrimaha Samafalka & Siyaasadda la kala saaro mid waliba la gala xidhiidho cidda ay khusayso.
Ugu danbayntii Gudoomiyaha Jaamacada Nugaal Univeristy Prof. Abdirisak Lafoole ayaa ka waramay Nuxuka Shirka iyo waxyaabaha ay u dirayaan bulshada iyo qurba joogta.
no images were found
Hoos ka Daawo Kulan u dhexeeya Qurba Joogta iyo Dibad joogta oo lagu qabtay Laascaanood
Muqaalka 1aad
Hoos ka Daawo Shirka Horumarinta Gobolka Sool oo lagu Qabtay Laascaanood
Muuqaalka 2aad
Mawliid Ismaaciil Haradigeed
Laascaanood, Somalia