Machadka Yeyle oo la furay iyo Shacabka oo si weyn u soo dhaweeyay Sh. Cabdinaasir Xaaji Axmed.[Masawiro/Video]

August 17, 2015 - Written by Editor

DSC00463Laascaanood:-Waxaa Deegaanka Yeyle si wayn loogu soo dhaweeyay Sh. C/naasir xaaji Axmed iyo Culimo gobolka Sool , sheekha iyo waftigiisa ayaa waxaa looga horyimi duleedka Yeyle, socodkaalka Sheekh C/naasir ayaa u jeedkiisu ahaa sidii loo furi lahaa dhismaha Machadaka ee Yeyle kaas oo mud dhismihiisu uu ka socday deegaanka waxaana dhamaaday qaybta hore ee Machadka waxaana dhiman qaybo ay ka mid ka yihiin Suuliyo, dayr, baraag, hool wayn oo loogu tala galay martida.

Sheekh Maxamuud Salaad iyo daaciga Yeyle oo ka hadlay furitaanka Machadka Yeyle qaybtiisa hore ayaa waxaa uu sheegay  in dhaqaalaha hadhsan lagu qiimeeyey ilaa 20,kun dollar.

Waxaana dhamaaday masaajidka,wayn,dhime ka kooban saddex qol Xafiis kuwaas oo maanta la dajiyay arday ku jirtay guri kiro ah waxaana halkaas si wayn xaflada looga hadlay qaabkii loo horumarinlahaa waxaa sidoo kale halkaas ka hadalay qurbo joog qaar kood door fiican ka qaatay dhismaha Markaska.

Shacabaka Yeyle oo shacab aad u jecel dhulka ayaa waxa ay si wayn ogahadleen in la taageero ilaa inta ay u soo baxayaan jiil aad u horumariyo deegaankooda,waxana ay balan qaadeen in ay ka qayb qaadan doonaan. Sheekh Maxamuud Salaad ayaa halkaas oga mahad celiyay guud ahaan dadkii ka qayb qaatay dhismaha qaybta hore waxaana iidiinku bishaaraynaynaa in maanta uu machadkii meel fiican marayo waxaana dhiman intaas aan korka ku sheegay.

Waxaa isaguna halkaas kahadlay sheekha degamada Yeyle oo sheegay in ay maanta ka baxeen kiradii ay ku dhibanaayeen waxaan leenahay walayaal ka soo qaybqaata intayar ee dhiman, waxaa halkaas hadal aad dadkii halkaas hadal qiimo leh ka soo jeediyay Sheekh C/naasir xaaji axmed oo yidhi ” Waxaa loo baahan yahay in dadku wadagalaan Machadka,waa in odayadu galaan dhalintu galaan,waxaan leeyahay bixiya xoolaha,oo caruurta waxbara,

Dhinac kale waxaa halkaas ka hadlay Culimo aad u badan qurbo joog dhamaantood waxaana la isku raacay in la horumariyo bulshada waxaana la isku raacay in la iska kaashado in la dhiso inta dhiman,waxaana fariin gaara loo diray qurbo jooga oo halkaas laga sheegay in loo baahanyahay in ay shacabka horumariyaan.

Sidoo kale dadka gudaha ee maalka haysta ayaa Loogu baaqay in la caawiyo shacabka maadaama ay ku jiraan dadka dad xoolo hayta oo awooda in Lacaawiyo,kala xidhiidh Sheekh Maxamuud Salaad,+252-634496131 ama Eng Mohamed Cabdilaahi +252-634496139

no images were found

Hoos ka Daawo furitaankii Markazka Yeyle iyo Culimo ka hadashay Qaybta qabyada ah

c/kariim c/laahi
Lascanod

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online