Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud oo Kormeeray maanta Bankiga Dhexe

August 12, 2015 - Written by Editor

xasanMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tagey xarunta Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, isagoo u kuurgalayey habsami u socodka hawlaha bankiga.

Madaxweynaha ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Bashiir Ciise Cali, Guddoomiye Ku Xigeenka Bankiga, Maryan Cabdullaahi Yuusuf iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda bankiga kala hadley qorshaha dowladdu ku dooneyso in la sameeyo lacag shilin Soomaali ah oo wax looga qabanayo dhaqaalaha dalka, horumarinta hawlaha la xiriira maareynta maaliyadda iyo qaabeynta hay’adaha maaliyadda ee dalka ka hawlgala.

Madaxda bankiga ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey hawlaha bankiga ka socda, tayeynta adeegyada iyo dadaalka bankiga ugu jiro inuu si buuxda dib ugu soo nooleeyo dhammaan adeegyadii muhiimka ahaa ee uu qaranka.

—-Dhamaaad—-

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online