Madaxweynaha DFS Xassan Sh Maxamuud oo ka hadlay Mooshinka laga gudbiyey.[Video/Audio]

August 13, 2015 - Written by Editor

madMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xassan Sh.Maxamuud ayaa maanta ka warbixiyey marxaladda uu dalku marayo, dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlayey xafiiskiisa ayaa sheegay inuu ka war hayo warar sheegaya in koox xildhibaanno ah oo ka tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ay diyaariyeen mooshin isaga ka dhan ah, isagoo sheegay in waqtigan la joogo baarlaman ka looga baahan yahay inuu diiradda saaro hawlaha muhiimka ah ee horyaalla.

‘’Markii Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay talada qabatey sannadkii 2012-ka, gacanta dowladda waxaa ku jirey degaanno kooban, haatanna waxaa Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya xoogagga AMISOM ay ku guda jiraan soo dhicinta goobaha yar ee weli ay ku harsan yihiin kooxda Al Shabaab. Baarlamanka iyo laamaha kale ee dastuuriga waxay qabteen hawlo badan oo la taaban karo, guulaha la gaareyna waxaa sal u ah wadajirka iyo wadashaqeynta hay’adahaasi.

Waqtiga inoo harey aad buu u kooban yahay, waxaana baarlamanka iyo xukuumadda horyaalla hawlo muhiim u ah meel marinta Hiigsiga 2016. Waqtigaasi yar ee aan haysano kuma filna inaan isqabqabsi iyo waxyaabo aan dan u ahayn shacabka ku mashquulno’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in baarlamanka uu saran yahay waajib dastuuri ah oo hawlaha qaranka lagu taageerayo, xukuumadduna ay taasi ku xishmeyneyso, isla markaana ay habboon tahay in waajibaadkaasi aanu noqon mid lagu carqaladeynayo hawlaha ballaaran ee horyaalla dalka, iyo dadaalka dib u soo kabashada Soomaaliya.

Waxaa Madaxweynaha uu intaa ku darey in horumar muuqda laga gaarey hirgelinta hannaanka federaalka iyo baahinta maamulka, dhowaanna Muqdisho lagu saxiixey heshiiska dhismaha maamulka ay yeelan doonaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

‘’Beesha caalamka waxay inagu taageereysa hawlaha ballaaran ee aynu hayno. Waxaanu ku guuleysaney baahinta maamulka, waxqabad badan oo dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo fidinta adeegyada bulshadana waa la gaarey. Waxaa beesha caalamka iyo hay’adaha dastuuriga ee dalka aanu isla garaney inaaney dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah duruufaha jira awgood, taa beddelkeedana uu jiri doono hab kale oo doorasho oo waddanka ka dhici doonta sannadka 2016.

Qorshahaasi waxaa uu ka markhaati kacayaa inaaney jirin wax muddo kordhin ah, inagoo weliba og , khilaafaadka iyo is-qabqabsiga mar walba ka dhalan jirey tallaabooyin la doonayey in muddo kordhin lagu hirgeliyo, intii ay jireen nidaamyadii ku meel gaarka ee waddanka uu soo marey’’.

Madaxweyne Xasan Sh.Maxamuud ayaa sidoo kale hambalyo u direy Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ciidammada AMISOM iyo shacabka Soomaaliyeed oo si wadajir ah isaga kaashanaya dagaalka Al Shabaab looga saarayo goobaha yar ee ay weli ku harsan yihiin.

Waxaa uu Madaxweynaha ugu dambeyn xusey inay Soomaalya horey u dhaqaaqdey, isla ,markaana horumarka la gaarey aan loo hakin doonin carqalado amaba dibindaabyo ay la yimaadaan kooxo yar oo aan u daneyneyn maslaxadda shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed.

Hoos ka Dhagayso Madaxweynaha DFS Xassan Sh Maxamuud oo ka hadlay Mooshinka laga gudbiyey

[audio:https://halgan.net/Mp3/Madaxweynahxassan.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Hoos ka Daawo Madaxweynaha DFS Xassan Sh Maxamuud oo ka hadlay Mooshinka laga gudbiyey

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online