Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Gaas oo xariga ka Jaray wadooyin cusub.[Masawiro]

August 17, 2015 - Written by Editor

18Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray laba laami oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka magaalada Gaalkacyo Gobalka Mudug ee Puntland. Xafladda kooban oo loo qabtay xarig jarka laamiyadaasi ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Wasiiro, Xildhibaano, Haween iyo dhalinyaro  ku labisanaa dharka hiddaha iyo dhaqanka isla markaana lulayey caleemo qoyan iyo calanka Puntland.

Wadooyinkaan laamiga ah oo ay fulisay Dawladda Puntland waxaa ay  dhererkoodu dhan yahay 2,600mitir iyo 650mitir , waxaaana ay ka qeyb qaadanayaan bilicda iyo Nabadgelyada Puntland gaar ahaan Gobalka Mudug.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyey madasha ayaa sheegay in fulinta wadooyinkaan ay kamid yihiin mashaariicda Dawladdu ugu talagashay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

‘’ Waxaan rabnaa in magaalada laamiyaal iyo jidad wanaagsan yeelato , waxaan sidookale rabnaan in magaalada bilicdeeda wax iskabadalaan , marka waxaan rajeyn inaad diyaar u tihiin jidadkaan iyo jidadkale oo bilacda magaalada ka qeyb qaadanaya , idina waxaa laydinka rabaa meeshi la marin lahaa ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobalada Puntland waxaa si habsami leh uga soconaya mashaariicda Dawladda , kuwaas oo si dar dar leh loo fulinayo  si isbadel wanaagsan oo dhinackast ah Puntland looga dareemo looguna horumariyo.

no images were found

 -DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online