Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sh oo gaaray Marka
August 29, 2015 - Written by EditorMarka:-Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa goordhaw gaaray magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose.
Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya wasiiro ka tirsan DFS iyo Saraakiil ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed .
Wafdiga uu hogaaminayo Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay ujeedada socdaalkiisa in uu qiimeeyo xaalada magaalada Marka waxaana uu kulan la qaaadan doonaa waxgaradka iyo Odayaasha Deegaanka.
Afhayeenka Madaxweynaha Koofur Galbeed C/qaadir Cashar Nadaara ayaa sheegay in wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Koofur Galbeed ay kulamo kala duwan la qaadaan doonaan shacabka magaalada Marka.
A/Cawale
Halgan.net