Madaxweynaha Puntland oo la kulmay gudiga Amniga iyo Garsoorka gobalka Mudug
August 22, 2015 - Written by EditorGaalkacyo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 22-8-2015 hoygiisa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug kula kulmay gudiga amniga iyo Garsoorka ee uu dhawaan magacaabay.
Gudiga ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey waxyaabaha habaca geliyey amaanka iyo cadaaladda , taasi oo ay ugu weyntahay wada shaqeyn la’aan u dhaxaysa hay’addaha Amniga iyo Garsoorka Gobalka Mudug.
Intuu uu socday kullanka ayaa waxaa ka qeyb-galay iyana Madaxda Hey’adaha Amniga iyo Garsoorka Gobalka oo ay kamid ahaayeen Booliiska, Xeer ilaalinta maxkamadaha iyo Asluubta.
Saraakiishi ka socday dhammaan hey’adahaasi ayaa Madaxweynaha hortiisa mid walba dhankiisa qirtay khaladaadka jira, waxaana ay balan qaadeen in ay si dhow u wada shaqeynayaan si ay ugutaan waajibaadka qaran ee saaran.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa masuuliyiintaasi ku booriyey in ay la yimadaan shaqo hufnaan , daacadnimo una cadaalad falaan shacabka.
Madaxweynaha ayaa sidookale shacabka Gobalka Mudug qeybihiisa kala duwan ugu baaqay in ay si dhow ula shaqeeyaan hay’addaha Amaanka iyo Garsoorka kalsooni buuxdana ay ku qabaan .
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug waxaa siweyn looga dareemaya hagaajinta bilicda iyo sugida amaanka , iyadoo ay maanta gudiga qaabeynta magaalada ay burburiyeen dhul badan oo bilcda magaalada wax u dhimayey, dad badana waxaa ay si iskood ah u baneeyeen iyana dhulka Dawladda.
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland