Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Nabadoonada gobalka Mudug (Masawiro)
August 18, 2015 - Written by EditorGaalkacyo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18-8-2015 hoygiisa magaalada Gaalkacyo kula kulmay Nabadoonada Gobalka Mudug.
Kullanka oo ay kasoo qeyb-galeen Nabadoonada Gobalka Mudug ayaa waxaa looga hadlay mudadii uu socday xoojinta wada shaqeynta Dawladda iyo Nabadoonada , Nabadgelyada Gobalka iyo gacan siinta laamaha amaanka , xoojinta midnimada iyo Wadajirka , dib u habeynta bilicda magaalada iyo Bixinta canshuuraha.
Nabadoonada Gobalka Mudug ayaa waxaa ay madaxweynaha ka codsadeen in wakhti kordhin uu u sameeyo Dadweynaha looga baaqay inay ka baxaan dhulka Dawladda ee ku yaala magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo loo qabtay saddex maalmood .
Madaxweyne Gaas ayaa dhankiisa Nabadoona codsiga ay u jeediyeen uga jawaabay in wakhti uu u kordhinayo oo keliya dadka ay ku adag tahay in si fudud uga guuraan , islamarkaana ay u taalo alaab badan hanoqoto adeeg ganacsi iyo wixii lamid ah, balse dadka kale ayuu ugu baaqay in ay wakhtigii loo qabtay uga guuraan si hantidaasi gacanta Dawladda ugu soo noqoto.
no images were found
Sidookale Madaxweynaha ayaa Nabadoonada uu la kulmay u sheegay in dhulka Dawladda ee laga saarayo Dadweynaha aan lagu celineyn dadkale gacantood , balse loogu shaqeynayo danaha guud ee shacabka.
Waxaa weli magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ka soconaya kulamada uu Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas la qaadanayo waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Gobalka Mudug.
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.