Madaxweynaha Puntland oo u hambalyeeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Daawo)

August 15, 2015 - Written by Editor

madaxweynaha-dawlada-puntland3Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii dambe ee maanta u hambalyeeyey Madaxweynaha Dawladda Jubbaland oo markale ku guulaystay hogaanka maamulkaas.

Shir jaraa’id oo uu warbaahinta qeybaheeda kala duwan Madaxweynuhu ugu qabtay hoygiisa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Madaxaweyne Gaas ayaa madaxweynaha Jubbaland alle uga baryey in xilka uu markale u qaaday umadda Jubbaland ku guuleeyo, uuna noqdo hogaamiye badbaadiye shacabkiisa.

‘’ Waxaan rabaa anoo ku hadlaya magaca shacabka iyo Dawladda Puntland inaan hambalyo udiro Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam , oo maanta markale Baarlamaanka Jubbaland doorteen ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’ Aad iyo aad ayaan ugu hambalyeynayaa guusha u soo hoyatay in haykalkoodi dawladnimo dhamaystirteen oo weliba ay noqdaan xukuumad dhamaystiran shacabka ayaana ugu hambalyeyn ‘’ Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Doorashada oo u dhacday si dimuqraadiyad ah ayaa madaxweynuhu ku tilmaamay inay tahay mid ku dayasho mudan, maamulada kale ayuuna ku booriyey in sidaa si lamid ah iyana doorashooyinkooda u qabsadaan, raacana Dastuurka rasmiga ah ee dalka u degsan.

Hoos ka Daawo Madaxweynaha Puntland oo u hambalyeeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam

-DHAMMAAD-

Hoos ka Daawo Dorashadii Madaxweynaha Jubaland oo uu ku guuleystay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online