Madaxweyne Gaas oo Casho sharaf u sameeyey Safiirkii hore ee DFS u fadhiyey dalka Kenya.[Masawiro]

August 10, 2015 - Written by Editor

9Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa casho sharaf hoygiisa madax tooyada Puntland ee Garoowe ugu sameeyey Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey Dalka kenya Maxamed Cali Ameeriko oo booqasho ku yimi Puntland.

Xafladda cashada ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland Abshir Yuusuf Ciise, Wasiirka Warfaafinta , Hiddaha iyo isgaarsiinta Maxamuud Xassan Soocade, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle , Wasiirka Deegaanka , Dalxiiska iyo Duurjoogta Puntland Cali Cabdullaahi Warsame , agaasimaha guud ee ciidanka badda Puntland Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji iyo Duqa Degmada Garoowe Axmed Siciid Geelle Shoodhe.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey Dalk Kenya Maxamed Cali Ameeriko ku amaanay howshii uu soo qabtay , waxaana sidookale uu uga mahadceliyey booqashada uu ku yimi Puntland.

Madaxweynaha ayaa sidookale tilmaamay inay muhiim tahay in marwalba si sharafleh loogu abaal gudo , loona soo dhaweeyo muwaadinkasta oo xil soo qabta , islamarkaana ka soo baxa waajibadkii loo idmaday.  Amb. Maxamed Cali Ameeriko ayaa dhankiisa si aad ah uga mahadceliyey sida gobanimada leh ee loogu soo dhaweeyey Puntland, waxaana uu ku amaanay Nabadda iyo kala dambeynta ka jirta.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hadiyado qaali ah gudoonsiiyey Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey Dalk kenya Maxamed Cali Ameeriko .

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online