Madaxweyne Gaas oo ku dhex lugeeyey suuqyada magaalada Gaalkacayo.[Masawro]

August 17, 2015 - Written by Editor

IMG_9841Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 17-8-2015 ku dhex lugeeyey qeybo kamid ah magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Madaxweynaha oo ay wehliyaan Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil katirsan madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale ayaa socod ka bilaabay isgooyska isku xira laamiga weyn iyo laamiga cusub ee loo bixiyey SYL .

Ugu horeyn madaxweynuhu waxaa uu socod dheer ku tagey Hotelka Shaariqa , waxaaana halkaas ku sugnaa dadweyne kala duwan oo damaashaadayey , waxaana uu madaxweynuhu si kalsooni ku jirto wakhti ula qaatay shacabkii halkaas ku sugnaa .
Intaas kadib ayaa madaxweyne Gaas waxaa uu tagey Hotelka uunlaaye oo kamid ah koobaha inta badan bulshadu isugu timaado, waxaana ay dadkii halkaas ku sugnaa fursad u heleen in madaxweynahoodu la qaxweeyo islamarkaana uu wakhti fiicana uu la qaato.

Madaxweynaha oo sii watay socodkiisa ayaa hadana waxaa uu booqday Radio Gaalkacyo oo kamid ah warbaahinta Gobalka Mudug , isagoona indha indheeyey qeybaha ay idaacadu ku shaqeyso .

Radio Gaalkacyo ayaa Madaxweyne Gaas waxaa uu uga sii gudbay Hotel Classic , waxaana halkaas ku qaxweynayey masuuliyiin iyo shacab , qeyb kamid ah hotelka oo carwo ah ayuu madaxweynuhu ka dukaamaystay mudadii uu halkaa ku sugnaa.
Hotel Aljazeera ayaa isna kamid ahaa Goobihii uu maanta socodka ku tagey Madaxweyne Gaas, waxaana si wanaagsan Hotelkaas ugu soo dhaweeyey madaxweynaha maamulka iyo howlwadeenada Hotel Aljazeera.

Madaxweyne Gaas ayaa Salaadii duhur waxaa uu boqolaal dadweyne ah kula tukaday Masaajidka Ramadaan oo kamid ah masaajidada waaweyn ee ku yaala magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudubad u jeediyey dadweynihii ku tukanayey masaajidka ayaa ugu baaqay inay kaalin buuxda ka qaataan Nabadgelyada iyo horumarinta, waxaana uu culimada kula dardaarmay in bulshada ku wacyigeliyaan waxa wanaagsan si aqoontooda diimeed u kobocdo.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa sanad iy bar ka dib waxaa si weyn looga dareemayaa isbadel dhinac kasta ah, waxaana kusoo badanaya goobo ganacsi oo casri ah kana qeyb-qaadanaya bilicda iyo horumarka Puntland.

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online