Madaxweyne Gaas oo la kulmay shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacayo.[Masawiro]

August 14, 2015 - Written by Editor

IMG_8224Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii dambe magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug kaga qeyb-galay Kullan ay su’aalo iyo talooyin ugu soo jeedinayeen bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku nool Gobolka Mudug. Kullanka ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiiro,Waxgarad, Aqoonyahan, Ardayda jaamacadaha, Haween , Siyaasiyiin , Dhalinayaro iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysey oo uu ka jeediyey madasha ka sheegay in magaalada Gaalkacyo uu u yimi sidii ay dhinackasta isaga badeli laheyd loona horumarin lahaa.
‘’ Dawladda iyo dadkeeda oo wada socda meelna uwada jeeda ayaa waxbadan badeli kara , marka waxaan rabnaa isbadelka aan unimi in Gobalka lagu sameeyo inaad nagala qeyb-qaadataan gacana nagu siisaan ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha ayaa sidookale sheegay in magaalada Gaalkacyo ay ka socdaan horumarinta wadooyinka iyo dhisida kaabayaasha dhaqaalaha , si Gobolka Mudug ula jaanqaado horumarka baaxada leh ee ka soconaya Gobalada kale ee Puntland.

‘’ Waxaa kale oo aan rabaa inaan idiin sheego in bishaan dhammaadkeeda uu Gaalkacyo ka dhici doono shirkii midnimada Puntland , dad badan oo reer Puntland ah ayaana imaan doona shirkaas, waxaana uu socon doonaa shan maalmood, marka waxaa laydinka rabaa in dadkaas aad soo dhaweysaan oo martigelisaan ‘’ Ayuu yiri Madaxwynuhu.

Dhammaan dadweynihii ka soo qeyb-galay kullanka ayaa su’aalo kala duwan weydiiyey Madaxweynaha markii uu dhameeyey khudbadiisi , su’aalihii ay shacabku waydiiyeena dhammaantood waa uu ka jawaabay Madaxweyne Dr.Cabdiweli Gaas.

Ka soo qeyb-galayaashi Barnaamijka ayaa si farxadi ku dheehan tahay ugu mahadceliyey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shacabkiisa inta uu soo hor fariistay la wadaagay dareenkooda, waana tallaabo ku dayasho mudan.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online