Madaxweyne Gaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey Degmooyinka Burtinle iyo Xarfo.[Masawiro]

August 11, 2015 - Written by Editor

5Garoowe:- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 11-8-2015 siweyn loogu soo dhaweeyey Degmooyinka Burtinle Iyo Xarfo oo ka kala tirsan Gobolada Nugaal iyo Mudug ee Puntland.

Wefdiga Madaxweynaha oo ka kooban Wasiiro iyo saraakil katirsan Madaxtooyada Puntland ayaa ugu horeyn waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal, waxaana soo dhaweyntooda si hambsami leh uga qeyb-qaatay Maamulka Degmada , Waxgarad, Cuqaal, Haween, Dhalinyaro iyo masuuliyiin kale duwan.

Soo dhaweyn kadib ayaa madaxweynaha loo gudbiyey hoyga uu Degmada Burtinle ka daganyahay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo uu halkaas ku soo salaamay , islaanka ayaana si balaaran madaxweynaha hoygiisa ugu soo dhaweeyey.

Intaas kadib ayaa Madaxweyne Gaas iyo wefdiga uu hogaaminayo u soo socdaaleen Degmada Xarfo, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Maamulka Degmada, Waxgarad, Cuqaal, Isimo, Haween , Dhalinyaro iyo masuuliyiin kale oo diyaar garow xoogan ugu jiray soo dhaweynta Madaxweynaha.

Socod dheer ayaa madaxweynuhu waxaa uu kumaray laamiga weyn ee Degmada Xarfo , halkaas oo ay ku sugnaayeen Dadweyne aad u badnaa oo si hambsame leh ugu diyaarsanaa in Madaxweynahooda ay ku soo dhaweeyen Degmada .

Madaxweyne Gaas oo meel fagaare ah kula hadlay dadweynihii ka soo qeyb-qaatay soo dhaweyntiisa ayaa uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen, isagoona ku amaanay kaalinta wanaagsan ee ay ka qaateen horumarinta Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online