Madaxweyne Gaas Puntland uma baahna ciidamo ka socda Midowga Afrika [AMISOM]

August 7, 2015 - Written by Editor

gaasGaroowe:-Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas oo waraysi gaar ah siiyey wakaalada Wararka Reuters ayaa sheegay in dowladda Puntland ay leedahay ciidan ku filan amnigeeda ayna u baahan yihiin in laga saacido dhinac Agabka isagoo ku tilmaamay xaq daro in Dowladda Federalka Soomaaliya kaliga lagu gacansiiyo dagaalka Al-shabaab.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku eedeeyey Midowga Afrika iyo beesha caalamkuba aysan wax gacan ah ka geysan dagaalka ciidanka Puntad ay in mudo ah kula jireen ururka Al-shabaab ee ku dhuumaalaysanaya Buuraha Golis.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.C/wali Gaas oo wax laga wiidiiyey in ay ciidanka AMISOM in la keeno Puntland iyo in kale ayaa waxaa uu ku jawaabay ” Ma u baahnin ciidamada AMISOM sababta oo ciidamada dowladda Puntland wax ay leeyihiin awood ay ku dagaalamaan ururka Al-Shabaab, balse waxaan u baahanahay in dowladda Puntland laga caawiyo dhinac qalabka military, isgaarsiinta, gaadiidka millatariga ah, hub iyo rasaas.” Halkaan ka eeg waraysiga Reuters

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online