Mu,asasada Al-Karam oo deeq lacaga gudoon siisay Soomaali ka soo bara kacday Yemen (Masawiro)

August 6, 2015 - Written by Editor

1Hargaysa :-Mu,asasada al-karam ee dacwada iyo horumarinta ayaa saaka oo khamiis ah gudoonsiisay ilaa 24 qoys oo ka mid ah Soomaalida ka soo bara kacday dalka aynu jaarka nahay ee Yemen oo muddooyinkii u danbeeyey ay ka socdeen dagaalo lagula jiro falaagada xuutiyiinta ee shiicada ah.

Munaasabada lagu gudoonsiiyey deeqda Soomalida ka soo qaxday Yemen  ayaa waxa ka soo qayb galay madaxda mu,asasada oo ay ka mid yihiin :
1- Sheikh Faysal Maxamed Cumar Gudoomiyaha guud ee mu,asasada al-karam
2- Sheikh Maxamed Xuseen Cali Deeq gu- ku xigeenka mu,asasada
3- Ustaad Naasir Cali Barkhad Gudoomiyaha gobolka maroodi-jeex ee mu,asasada
Masuuliyiinta mu,asasada oo dhammaantood goobta ka hadlay ayaa u mahad celiyey walaalohooda soo xasuustay qooxtiga dhibaataysan , waxanay illaahay uga baryeen in uu ka abaaliyo.

Dhanka kale waxay ugu baaqeen dadka soo barakacayna in ay ku sabraan dhibka illaahayna ku xidhnaadaan.
Deeqdan ayaa waxa mu,asasada soo gaadhsiiyey dhalinyaro soomaali ah oo ku nool dalka Simbaawi.

Maaha markii koobaad oo deeq lacaga oo lagu soo hagaajiyey Mu,asasadu u qaybiso barakacayaasha , balse waxa jiray dhowr jeer oo hore oo mu,asasadu qaybisay deeqo lagu soo hagaajiyey taas oo ay ka faa,iidaysteen barakacaayl iskugu jira Soomali iyo Yemeniyiin .

no images were found

Ugu danbayn waxay mu,asasasadu ugu baaqaysaa muxsiniinta meel kasta oo ay joogaan in ay ka war hayaan walaalohooda soo bara kacay mu,asasaduna waxay diyaar u tahay amaano kasta oo la soo gaadhsiiyo in sideeda u gudbin doonto in shaa allaahu waxanay la soo xidhiidhi doonaan cidii sadaqo la baxaysa. tell.0634404247 ama 0634425311 ama 0634405958 ama alkaram532@gmail.com.

Mu,asasada Al-Karam
Hargeysa
Somaliland

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online