Mu’asasada Al-Minhaaj ee Gobolka Nugaal oo daahfurtay goob cusub oo lagu baranayo Diinta Islaamka.[Masawiro/Cod]

August 17, 2015 - Written by Editor

vlcsnap-2015-09-16-05h57m34s085Garoowe:-Waxaa galabtay oo taariikdu tahay 02/09\1436 oo ku beegan 17/08\2015  Mu’asasada Al-minhaaj ee Gobolka Nugaal ay ku daah furtay  Xarun cusub oo lagu baranayo Qur’aanka kariimkaa iyo wixii la xiriira Culuumta Shareecada Islaamka.

Xaruntaan oo lagu magacaabo Madarasada C/kariim Bin Salaama ee Xifdinta Qur’aanka Kariimkaa ayaa  ka mid  Xarumaha lagu Barto Diinteena Islaamka Ee ay gacanta ku hayso Mu’asasada Al-Minhaj Dacwada Iyo Horumarinta Bulshada.

Waxaana Xafladaan ugu horayntiiba Furitaankeeda lagu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Golaha Fulinta Mu’asasada Al-minhaaj Gobolka Nugaal Sheekh.Mukhtaar Axmed Faarax waxaana sheekhu la dardaarmay dhamaan  macalimiinta iyo maamulka madarasada waxaana uu ku dhiiri geliyay in ay gutaan waajibka ka saaran jiilkaan yaryar ee ay gacanta ku hayaan tarabiya dooda iyo wax barashadooda  isagoo ku ad keeyay in ardayda qur’aanka kaliya aan la barin ee la baro macnihiisa.

Waxaa kaloo isna dhan kiisa  kahadlay Sheekh. Dalmar Guureeye Gaarshe oo ah Gudoomiyaha Golaha shuurada Al-Minhaaj Gobolka Nugaal waxaan uu u mahad celiyay Sheekh Cabdi kariim binsalaama oo ah ninkii dhisay masjidka iyo Madarasada.

Isku soo wada duuboo dhamaan masuuliyiintii Xafladda ka hadashay ayaa Bogaadiyay goobtaan kheyrka badan islamarkaana u mahad celiyay cid walba oo ka qayb qaadatay Hirgelinta goobtaan kheyr.

no images were found

Hoos ka dhagayso Codkii Mas’uu liyiinta

[audio: http://www.alminhaaj.com/minhaaj/wp-content/uploads/2015/08/codka-xaflada.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Nuur Jaamac
Garowe,Somalia

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online