Al-Minhaaj oo soo bandhigtay waxqabadkeeda sanadkii tegay [Masawiro]
August 9, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa maantay lagu qabtay hoolka jaamacadda bariga Afrika xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay xafladaan ayaa ahayd mid maalmihii lasoo dhaafayba diyaar garow geeda lagadareemayay gudaha caasimada puntland Ee garowe waxaana Mu’asasada Alminhaaj ay ku soo bandhigatay wax qabadkeedii Sanadkii tagay .
Xafladdaan ayaa kusoo beegmaysa shirweynihii 5aad ee Mu’asasada ALminhaaj ay ku kulmaan golayaasheeda kaladuwan sida
1. Golaha aas aasayaasha
2. Golaha Shuurad
3. Golaha Fulinta
Waxaana Xafladaan kasoo qaybgalay Mas’uuliyiin Kasocotay Golayaasha Dowlada Dowlada Puntlan waxaana Hogaaminayay Madax weyne Kuxigeenka Eng C/xakiim X Cumar Camay Wasiiro Xildhibaanno Culima’uwdiinka Gobolka Issimada Dhaqanka Ganacsato Siyaasiyiin kala duwan .
Waxaana Shirka kalimad Wacdi ah Kufuray Sh.Maxamud Xaaji Yuusuf Isagoo guud ahaan bulshadana ugu dardaarmay Alle Kacabdi Iyo In Bulshada lagaarsiiyo Khayrka intaas kadib Maamulka Mu’asasada Alminhaaj ayaa goobta kusoo bandhigay Vedio Gatarjumaya wax qabadkii mudadii ay xilka hayeen Flimkaas oo Bulshadii daawatay ay ladhaceen waxqabadka baaxadaas le,eg Ee Mu’asasadu gaartay.
no images were found
Dhaka kale dhamaan mas uuliyiintii goobta ka hadashay ayaa balan qaaday in ay si dhow ula shaqaynayaan Mu’asasada Alminhaaj, Culimadii goobta ka hadashay ayaa waxaa ka mid ahaa:-
1-Sh Daahir Awcabdi Aw yuusuf
2-Sh.Maxamed Godane Xoosh
3. Sh Cabdiwaaxid Xaashi
4-Gudoomiyaha Golaha Fulinta Jamaacada Al-Ictisaam Sh.Axmed Cabdi Samad
Waxayna dhamaan qireen In Maamulka hadda talada haya ee Mu’asasada Al-minhaaj ay gaareen guulo la taaban karo waxayna Bulshada kula dardaarmeen in laga wada Shaqeeyo Dacwada cid Gooni ah na aysan u oolin ee ay tahay wax la garabo qofwalba Oo Muslim ah.
Waxaa isna goobjoog ahaa Xafladaan Maxamed Cali Ameeriko Waxana uu bulshada Tusaaleeyay haddii sidaas loo wada shaqeeyo waxaa la gaarayaa guulo waaweyn waxaana dhankiisa uu Al-Minhaaj ku amaanay shaqadaan qiimaha badan ee ay Bulshada u hayso.
Mu’asasada Alminhaaj ayaa shahaadooyin Sharaf Gudoon siisay dad kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Shirkadaha Ganacsiga ,Culima Awdiin ka , Jamaacada Al-Ictisaam , Ururada Ardayda ,iyo xubno kale .
Intaas ka dib waxaa Xaflada Soo Xiray Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Eng C/xakiim X Cumar Camay waxaana uu siiyay Mu’asasada ALminhaaj dardaaran isagoo dhanka kalena sheegay in uu isagu hadda wixii laga bilaabo uu ka mid yahay Mu’asasada Al-minhaaj Awalna uu si dhow ula shaqayn jiray Mu’asasada Alminhaaj waxaana uu ku amaanay Shaqada baaxada weyn ee ay soo bandhigeen maantay waxaana uu qiray Eng Camay In ay og yihiin Xukuumad ahaan Qaybta muga leh ay kaga jiraan Bulshada ,
Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska Warbaahin Mu’asasada Al-Minhaaj Puntland