Urur Goboleedka IGAD oo soo dhaweeyey Doorashadii Madaxweynaha Jubaland (Daawo)

August 16, 2015 - Written by Editor

afeyKismaayo:-Ergeyga Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey oo ka qeyb galay doorashadii ka dhacday shalay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ayaa soo dhaweeyey qaabkii ay u dhacday doorashadii Jubaland.

Danjire Maxamed Cabdi Afey Ergeyga Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in doorashada Jubaland ay u dhacday si dimoquraadi ah, wuxuuna u hambalyeeyay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe ).

Danjire Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay Sidoo kale in IGAD iyo Beesha Caalamka ay aqbali doonin in xoog lagu maquuniyo, wuxuuna ka digay digay in la carqaladeeyo nabada Jubaland.

Doorashadii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa waxaa goob joog ka ahaa Urur Goboleedka IGAD ,Midowga Yurub,Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan DFS.

Madaxada DFS ayaan ilaa hada ka hadlin doorashadii shalay lagu soo doortay mar kale Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe ).

Hoos ka Daawo Ergeyga Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afey

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online