Wafti ka socda Baarlamaanka Kenya oo la kulmay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

August 19, 2015 - Written by Editor

unnamed6Muqdisho, 19 August 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa xarunta madaxtooyada kula kulmey wafdi ka socdey Guddiga Difaaca iyo Arrimaha Dibedda ee Baarlamanka Kenya, oo booqasho ku jooga dalka.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey wafdiga Kenya, booqashada ay ku yimaadeen dalka, oo uu sheegay inay muhiim u tahay xoojinta iskaashiga labada dal.

“Soomaaliya iyo Kenya waa deris uu xiriir wanaagsan ka dhexeeyo. Taariikhda cusub ee Soomaaliya ee qormeysa, Kenya qeyb ayay ka tahay. Kenya waxay soo dhoweysey kumanaan Soomaali ah, oo xitaa ganacsiyo waaweyn ku leh Nairobi iyo meelo kale oo Kenya ka mid ah. Waxaa intaasi dheer in Kenya ay ka mid noqotey waddamada wiilashooda iyo gabdhahooda u soo direy Soomaaliya si ay nabad uga dhaliyaan. Waxaana filayaa in iskaashiga labadeena dal uu intan ka sii xoogeysto’’, ayuu yiri Madaxweynaha oo la hadlayey xubnaha wafdiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale wafdiga u sheegay in Soomaaliya ay gacmo furan ku soo dhoweyneyso maalgashiga ganacsatada Kenya, dowladda Soomaaliyana ay fududeyn doonto sidii arintaasi loo suuragelin lahaa.

Waxaa uu Madaxweynaha wafdiga ka codsadey inay salaan diiran ka gaarsiiyaan Madaxweyne Uhuru Kenyatta, Madaxweyne ku Xigeenka, William Ruto iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Kenya.

Kulankaasi waxaa sidoo kale ka hadley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke oo diiradda saarey muhimada xoojinta xiriirka labada dal, iyo dhinacyada ay labada dal iska kaashan karaan.

Wafdiga ka socda Guddiga Difaaca iyo Arrimaha Dibedda ee Kenya ayaa waxaa ka mid ah Mudane Ilyaas Barre Shiil, Xildhibaan Richard Onyonka, Xildhibaan Wafula Wamunyinyi iyo mas’uuliyiin kale. Xubnaha Wafdiga Kenya ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan xoojinta iyo iskaashiga labada dal ka dhexeeya.

-DHAMMAAD-

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online