Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada Puntland oo Qardho kula kulmay Madaxa Hay’ada UNHCR Puntland.[Masawiro]
August 10, 2015 - Written by EditorQardho:-Kulankan maanta ay wada qaateen wasiirka arimaha gudaha ee dowlada Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, u qaybsanaha Hay’ada UNHCR ee Puntland, maamulka gobolka iyo kan degmada ayaa ahaa mid looga hadlayay sidii dib u dajin loogu samayn lahaa qoxootiga yamaniyiinta ee ku nool magaalada Qarddho ayadoo ay fooda inagu soo hayso xiligii lafuri lahaa Jaamacada bariga Africa Qardho oo hooy u ah Qoxootiga Yemaniyiinta.
Xarunta dowlada hooose ee degmada Qardho oo ay masuuliyiinta kulan mudo qaatay ay ku yeesheen ayaa markii dambe waxa ay booqasho ku tageen xarunta qoxootiga yamaniyiinta ee magaalada Qardho.
Markii ay gaareen goobta ay qoxootiga ka daganyihiin magaalada qardho ayaa waxaa qoxootiga la hadlay wasiirka iyo madax hay’ada UNHCR Puntland Mr. Tabaan waxayna u sheegeen madama dhawaan lafurayo jaamacada in qoxootiga magaalada looga kireynayo guryo ayadoo qoys walba loo qoondeeyay in lasiiyo lacago uu isaga bixiyo kirada.
Intaa ka gadaal wsiirka iyo madaxa UNHCR Puntland ayaa kulan laqaatay gudi ay leeyihiin qoxootiga yamaniyiinta ee kusugan magaalada Qardho. Wasiirka arimaha gudaha ayaa kulanka ka akhriyay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:-
1. Dowlada ayaa Yamaniyiinta u aqoonsatay Qaxooti si rasmi ah, iyadoo marka ay Puntland cagaha soo dhigaan ay yihiin qaxooti ayna yeelanayaan xuquuqda qaxootiga
2. In maanta si rasmi ah looga saarayo jaamacada.
3. In lasiinayo lacagtii ay ku kiraysan lahaayeen guryaha iyo waliba kaarkii raashiinka ay ku qaadan lahaayeen iyo waliba agabkii cuntada lagu karsan lahaa.
4. In la kordhiyay lacagta kabista ah ee lasiiyo qaxootiga ayadoo markii hore ahayd $60 hadana laga dhigay $100 qofka guriga madaxda u ah iyo $20 caruurta ah, waxbarashada iyo caafimaadka waa lacag la’aan.
5. Dowlada Puntland oo kaashanaysa Hay’adaha Caalamiga ah ayaa u raadinaysa qaxootiga fursado ay kaga qayb qaataan suuqa xurta ah si ay ugu soo bandhigaan aqoontooda iyo waliba xirfadooda.
Qoxootiga Yemaniyiinta kusugan magaalada qardho ayaa ah 431 ayadoo maalinba maalinta ka dambaysa xarunta qoxootiga ay soo gaarayaan Qoxooti cusub oo kasoo barakacay dagaalada dalka Yeman.
no images were found
Halgan.net