Wasiirka G/dhiga DFS oo Hadal u Jeediyey Saraakiil Tababar uga Socdo Dalka Masar (Masawiro)

August 27, 2015 - Written by Editor

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Saraakiil 3Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya General, C/qaadir Sheekh Cali Diini, oo socdaal shaqo ku jooga dalka Masar, ayaa booqday xarun lagu tababaro Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku taalla magaalada Qaahira. Wasiirka ayaa booqashada waxaa ku wehelinayey Taliyaha ciidanka badda Admiral Madeey Nuur, Taliyaha ciidanka cirka Sareeyo Guuto Maxamuud Sheekh Cali “Dable Baylood”. Mudane Diini ayaa hadal dar-daaran ah u jeediyey Ciidanka tababarka dhamaystay oo dhawaan dib ugu soo laabanaya dalka iyo kuwa uu weli u socdo, waxaana uu ku dhiirrigeliyey in aqoonta ay soo barteen ay dalkooda dib ugu celiyaan.

“Tababarka aad dhameysateen waa mid sare, waxaana dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay idin ka sugayaan waxqabad muuqda, waayo waxaa socda dagaal lagula jiro kooxo nabadda diiddan, idinka ayaana la doonayaa in dalka aad nabad ka dhigtaan”.

“Saraakiishiina waxaa idin saaran mas’uuliyad aad u culus oo qaran, waxaana la idinka sugayaa inaad soo celisaan sharaftii iyo magacii ciidanka xoogga, waxaad noqoneysaan Jiilka ugu taariikhda wanaagsan haddii aad ka gudbisaan dalka marxaladdaan adag” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga oo dhinaca kale xusay howlgallo dalka looga sifeynayo haraadiga nabad-diidka in ay socdaan loona baahan yahay in qof walba oo Soomaaliya uu door ka qaato dib u xoreynta dalka.

Wajiyada Ciidamadda ayaa laga dheehan karay farxad iyo rey reyn, maadama ay fursad u heleen in dalka dibadiisa ay wax ku soo bartaan, iyagoona muujiyey inay kalsooni buuxda ku qaba dawladda iyo shacabkooda.

no images were found

Ugu danbayntiina, wasiir Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa uga mahadceliyey dawladda Masar tababarka ay siisay saraakiishan ciidan ee ka mid ah kawaadirta ciidanka qaranka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in Masar ay weligeed bar-bar la garab taagnayd dalka Soomaaliya.

DHAMMAAD
Waaxda Warfaafinta Wasaaradda Gaashaandhigga
Email: gaashaandhigga@gmail.com
Twitter:@MinisterDini

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online