Xaflad Qalin jabin Quraan oo lagu qabtay Masjidka Ibu Cutheymiin ee magaalada Leicester.[Masawiro]
August 30, 2015 - Written by EditorLeicester:-Waxaa shalay loogu qabtay Xaflad Qalin jabin Quraan Masjidka Ibu Cutheymiin 14 arday oo dhameeyey Quraanka Kariimka ah, Xafladaan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay dadweyne fara badan oo ku nool magaalada Leicester ayna ka mid ahaayeen waalidiinta ay caruurtoodu dhigato Masjidka Ibu Cutheymiin ee magaaada Leicester iyo marti sharaf kale.
Xaflada ayaa waxaa lagu furay daahfuray Quraan ah oo uu Akhriyey Saalax Hassan oo ka mid ah Ardayda Quraanka ka barta Masjidka Ibu Cutheyiin ee magaalada Leicester gaar ahaan ardayda waaweyn ee dhigta Habeenkii.
Intaas ka dib waxaa Microfonka lagu wareejiyey xiriiriyaha Xaflada Cabdisalaan Yuusuf isagoo soo dhaweyn ka dib mid mid ugu yeeray waalidiinta ay caruurtooda ay dhameeyeen Quraanka waxaan ay waalidiinta dhamaantood soo dhaweeyeen munaasabada iyagoo waano .talo iyo duco u soo jeediyey Macalimiinta iyo Maamulka Masjidka Ibnu Cutheymiin.
Xaflada intii ay socotay ayaa ardayda Masjidka Ibnu Cutheymiin ee magaalada Leicester oo iskugu jira gabdho iyo wiilala waxaa ay soo bandhigeen barmaamij iskugu jira Caqiidada , Fiqiga iyo Siirada Nebigen Mohamed nabadgelyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee kuwaas oo ka koobnaa su’aalo iyo Bandhig diini ah.
Dhinac kale waxaa muxaadaro kooban ka soo jeediyey Xaflada Sheekh. Cabdalla Maxamed iyo Sheekh. Maxamed Salaad oo ah Imaamka iyo Khadiibka Masjidka Ibnu Cutheyiin iyagoo ku booriyey waalidiinta in ay caruurtooda kula dadaalaan barashada Quraanka Kariimka si aduun iyo Aakhridood u hagaagto. Ugu danbayntii ayaa waxaa ardaydii Quraanka Kariimka dhamaysay oo gaaraysay 14 arday waxaa Shahaadooyin iyo Agab kale duwan gudoonsiiyey Sh.Maxamed Salaad waxaan xaflad dardaarn iyo duco ku soo gunaanaday Sh.Cabdiweli Muuse Ali Il-weyn, xaflada ayaa waxaa ay ku soo afmeerantay jawi farxadeed iyo rayn rayn.
no images were found
Masawirad xaflada qalanjabinta qaybaha dhimana dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa haddii Alle idmo ee ha moogaanina
Masjidka Ibnu Cutheymiin
Leicester, Halgan.net