Ciidanka Al-shabaab oo deegaanka Janaale ku laayey Ciidamo ka tirsan AMISOM

September 1, 2015 - Written by Editor

voaMuqdisho:-Ururka Al-shabaab ayaa waxaa ay saaka weerar la beegsadeen Saldhig Milateri oo ay ciidanka Midawga Afrika ee AMISOM ay ku lahaayeen magaalada Jannaale oo qiyaastii 120 KM koonfur kaga beegan magaalada Muqdisho. Ururka Alshabaab ayaa qarax u adaeeg saday markii hore gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa waxaabn ay marki danbe dagaal fool ka fol ah ugu galeen gudaha Saldhiga ciiidanka AMISOM iyagoo laayey askar ka tirsan ciidanka AMISOM.

Ciidanka Al-shabaab ayaa waxaa u suura galay in ay gudaha u galaan Saldhig Milateri oo ay ciidanka Midawga Afrika ee AMISOM iyagoo gaarsiiyey khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka ciidanka ururka Al-shabaab ee dhinac howl galka Cabdicasiis Abu Muscab oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in weerarkii Janaale ay ku dileen ilaa 50 askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM guulna ay ka gaareen isagoo sheegay in weerarka maanta uu ahaa mid loogu aargudayo dadkii shacabka ahaa oo ay cidanka AMISOM ku laayeen magaalada Marka.

Dhinac kale Gudoomiyaha degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose Cabdi Biyamaalow oo la hadlay saxaafadda ayaa xaqiijiyay in Degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose ay Al-shabaab la wareegeen iyagoo gooyeen Buundadii Janaalle Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM ay ku sugan yihin duleedka Janaale.

Wararka soo baxay ayaa sheegayaan in ugu yaraan 19 askari oo ka tirsan AMISOM weerarka ay ku dhinteen halka tiro kale la sheegay in ay u gacan galeen cidanka Al-shabaab sidda uu VOA u xaqiijiyey Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilaa hadda ma jiraan war rasmi ah oo ka soo baxay ciidanka AMISOM ee maanta ciidamadooda lagu laayey deegaanka Janaale

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online