Dufcadii Lixaad oo ka qalin Jabisay Jaamacadda Nugaal ee magaalada Laascaanood.[Masawiro]

September 15, 2015 - Written by Editor

23Laascaanood:-Munaasabad Shahaadooyin lagu gudoonsiiyay 174-Arday oo ah dufcaddii 6aad ee ka qalin-jabiya Jaamacadda Nugaal ayaa maanta lagu qabtay xarunta Jaamacadda ay ku leedahay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Xafladda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ma’suuliyiinta heer gobol, heer degmo, Culummo, Madax-dhaqmeedka Gobolka Sool qaarkood iyo Macllimiinta Dugsiyada Sare ee Gobolka Sool, iyadoo hadallo ay ka jeediyeen, Sh. C/naasir Xaaji Axmed oo ku dheeraaday in lagu dhaqmo Shareecada Islaamka kana digay in aanay dhallintu jiidan faraxadda oo la ilaaliyo.

Waxaa kaloo Munaasabada Qalin-jabinta ah Hadallo kala duwan leh ka jeediyay, xubno ay ka mid ahaayeen Garaad Jaamac Garaad Ismail, Garaad Cabdullaahi Gudleed, Odayaal-dhaqan iyo Waxgarad kale.

Kuliyadaha ay ardaydani barteen ayaa waxay kala yihiin; kuliyada Shareecada, Maamulka iyo Maaraynta, Computer-Sayniska, Caafimaadka, Horumatinta Bulshada, Luuqadaha iyo Hoggaanka Wanaagsan, Dhamman halkaas laga gudoonsiiyay Abaal-marino Ardaydii kaalimaha 1-aad, 2-aad iyo 3-aad galay waxaa kaloo la Guddoonsiiyay Shahaadooyinka Jaamacadda.

Prof. C/risaaq Lafoole ayaa ugu horeyn Khubad dheer ka jeediyay munaasabadda, isagoo ka sheekeeyay guulaha ay Jaamacaddu gaadhay waxaaa sidoo kale hadal qiimo badan ka soo jeediyay xubno lagu casuumay Xafladda.

Ugu danbayn waxaa xusid mudan in xubno tiradoodu ahayd 20 ruux oo ka shaqeeya Shirkaddaha iyo Hay’adaha Gobolka Sool ay Maanta ka mid ahaayeen Ardaydii ka Qalin-jabisay Jaamacadda Nugaal kuwaas oo ka kala tirsanaa.

no images were found

Hoos ka daawo 174 Arday oo ka Qalin Jabiyay Jaamacda Nugaal Laascaaanood

En Mawliidd Isma Haradigeed
Laascaanood,Somalia

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online