Dugsiga Sare ee Cumar Samatar oo Xaflad u qabtay Ardayda Kaalimaha hore galay.[Masawiro]

September 12, 2015 - Written by Editor

DSC05488Gaalkacyo:-Xafladaani oo u jeedkeedu ahaa Abaalmarinta Ardayda Kaalmaha hore ka galay Imtixaankii Sanad Dugsiyeedkii 2015-2016 ayaa waxaa kasoo qayb galay Xubno ka socda Dawlada Puntland , Maamulka Waxbarashada ee Gobolka Mudug, Aqoonyahan Ganacsato ,Masuuliyiinta Jaamacadaha , Maamulka Macalimiinta iyo Ardayda Dugsiga Sare ee Cumar Samatar Gaalkacyo iyo Dhamaan Qaybaha Bulshada.

Maamulaha Dusgiga sare ee Cumar Samatar Siciid Maxamed Xasan ayaa sheegey in ardayda abaal marinta la siiyay ay kaalimaha hore ka galeen sanad dugsiyeedkii tagay Xawaalada & Bangiga Amalna ay ku abaal mariyeen in lacagaha ka bixiso Sanadkan.

C/shakuur Xirsi Maxamuud Maareeyaha Xawaalada Amal ayaa Sharaxaad ka bixiyay Ujeedada Xawaalada Amal ay lacagta oga bixineyso sanadkan ardaydii kaalmaha hore gashay sanadkii hore waxaana uu sheegay inay tahay si ay u dhiiri galiyaan Arday qaybna uga qaystaan caawinta Bulshada.

Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug Bashiir Axmed Khalaf ayaa amaanay doorka Amal Express waxaana uu sheegey inay ku dayasho mudanyihiin rajana ka muujiyay in lacag la’aan laga dhigo Dugsiyada Hoose dhexe ee Puntland.

Wasiirka Deegaanka Dalxiiska & duurjoogta Puntland Cali Cabdulaahi Warsame ayaa Ardayda ku booriyay inay waxbarashada ku dadaalaan si ay dalka dadka iyo Diintaba u anfacaan.​

no images were found

Cabdiraxmaan Cabdinuur C/laahi
Gaalkacyo,Somalia

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online