Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka DFS oo gaaray magaalada Gaalkacyo (Masawiro)

September 9, 2015 - Written by Editor

DSC_0048Gaalkacyo:-Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Garoonka diyaaradaha C/laahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo waxaa kusoo dhaweeyey Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,ku xigeenkiisa, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Puntland,Guddoomiyaha gobolka Mudug,ku xigeenkiisa,odayaasha dhaqanka,haween,dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Galkacyo kuwaasi oo uu mid mid u gacan qaaday.

Soo Dhaweynta kadib waxaa wafdiga Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka loosoo galbiyey xarunta Madaxtooyada magaalada Gaalkacyo halkaasi oo kulan soo dhaweyn ah kula qaatay Madaxweynaha Puntland Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

“aad iyo aad ayaan ugu farax sannahay inaan maanta kusoo dhaweyno magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug iyo Puntland guud ahaan Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,si gaar ah ayey sharaf iyo qiimo weyn ugu leedahay Golaha wakiillada Puntland” ayuu yiri Mudane Saciid Xasan Shire Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo isna dhankiisa la hadlay saxaafadda ayaa uga mahad celiyey Guddoonka Baarlamaanka iyo shacabka Puntland sida ballaaran ee ay u soo dhaweeyeen wafdigiisa waxaana uu tilmaamay in socdaalkan uu daba socdo safar uu sanadkan horaantiisa ku yimid Puntland ilamarkaana uusan Gaalkacyo horey u imaan.

no images were found

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay islamarkaana khudbad ka jeediyey munaasabad uu Madaxweynaha Puntland ku daah furayey sanduuqa hormarinta gobolka Mudug oo munaasabad daaha looga rogayey lagu qabtay
magaalada Gaalkacyo.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online