Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka oo Gaalkacyo qado sharaf ugu sameeyey Odayaasha dhaqanka qaarkood.[Masawiro]

September 12, 2015 - Written by Editor

DSC_0258Gaalkacyo:-Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo booqasho ku jooga gobolka Mudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo kulan qado ah kula qaatay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka gobolka. Kulankan qado sharafta ah oo ka dhacay hotelka Sugulle ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa kasoo qeybgalay odayaasha dhaqanka gobolka qaarkood iyo xubno ka tirsan Puntland waxaana looga hadlay ballan qaadyo uu horey ugu sameeyey Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka iyo waxyaabaha ka hirgalay ballan qaadyadaasi.

Wasiirudowlaha caafimaadka Puntland Mudane C/laahi Jaamac Cali oo kulanka goobjoog ka ahaa ayaa khudbad kooban oo uu ka jeediyey ayaa waxa uu faah faahin ka siiyey Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka xaaladda deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Mudug oo ay ka mid tahay degmada Toowfiiq oo horey uu booqasho ugu tagay iyo
hormarrada ka jira.

Saciid Nuur Xirsi oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka gobolka Mudug gaar ahaanna ku hadlayey magaca odayaasha degmada Towfiiq ayaa ku soo dhaweeyey Guddomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka magaaladaGaalkacyo iyo gobolka Mudug waxaana uu aad u ammaanay sida uu fursad ugu siiyey in mar walba bulshadiisa ka warqabo, dhageysto islamarkaana
wax u qabanaya dadka uu metello.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo khudbad ka jeediyey kulanka ayaa uga mahad celiyey Odayaasha dhaqanka sida ay u aqbaleen casuumaadiisa waxaana uu dhanka kale xusay in uu aad ugu faraxsan yahay islamarkaana uu ugu yimid bulshada uu metello iney weeydiiyeen waxyaabaha ka
qabsoomay ballan qaadyadii horey loo sameeyey iyo waxyaabaha la doonayo in hada la qabto oo ay u baahan yihiin bulshada deegaan doorashooyinka uu metello.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Gaalkacyo soo gaaraymaalinnimadii arbacada ee aynu kasoo gudubnay halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey waxaana uu la kulmi doonaa inta uu joogo maamulka gobolka Mudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

no images were found

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation office of Speaker

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online