Jaamacadda Bari Afrika oo Garowe ku soo dhaweysay Macalimiin wax ka dhigi doona Master Degree.[Masawiro/Cod]

September 17, 2015 - Written by Editor

1Garoowe:-Jaamacadda bariga Afrika oo ah Jaamacadda ugu balaadhan Soomaaliya Isla markaana ah Jaamacadii ugu horaysay ee laga furo Puntland ayaa Sanadadii danbe waxay waday dadaalo badan oo ay ku soo kordhinaysay Kuliyado cusub oo intooda badan ku cusub yihiin dalka.

Jaamacada Bariga Afrika ayaa maantay waxay ku soo dhaweysay Garoonka Diyaaradaha ee Garowe Dr. Yaxyah Cali Jamacaan iyo Dr.Maxamed Axmed Xasan oo ka yimid dalka Yeman waxaana Garoonka Diyaaradaha si wanaag san ugu soo dhaweeyay Madaxda Sare oo ay ka mid ahaayeen:-

1. G/Kuxigeenka Jaamacada Xafiskeeda Garoowe C/raxman M diriye

2. Madaxa Taclinta Sare Dr.Bashir Maxamed Warsame

Sh.Maxamed Godane Xosh Xubin Aasaasayaasha soo dhaweyn Iyo qado ka dib waxaa loo gudbiyay Jaamacada Halkaas Oo ay kula kulmeen Ardayda Iyo Macalimiinta Jamacadda.

Dhanka kale waxaa Kulan Jaamacada ka dhacay lagu soo dhaweeyay Prof. Fadumo Osman xiririyaha Programka iyo Stefan oo ka socda Jaamacadda Dalarna ee dalka Swedan Jaamacadaas oo ah mid ay dhawaan xiriir wada Saxiixdeen Jamacada Bariga Afrika waxayna Jaamacadda Todobaadkan ka bilaabayaan Kuliyada Masteka gaar ahaan Kuliyada Caafimaad ka Taranka Master Of Sexual And Reproductive Waxaana lagu Furyaa 25 Arday Oo laga soo Xulay Jaamacadaha ku yaal Dalka .

Waxaana kulankaan Goob joog ka ahaa:-

1. C/raxman Macalin Diriye G/k/xigeenka Jaamacada Xafiska Nugaal

2. Sh,Maxamed Godane Xosh Xubin Aasaasayaasha

3. Madaxa Taclinta Sare Dr.Bashir Maxamed Warsame

4. C/qadir C/khaddar Maxmaed Warsame (Madaxa Xiriirka Calamigaa)

5. Maxamed Khalid Xiriiri yaha Dalarna iyo EAU

no images were found

Waxana la rajaynayaa in maalmaha soo socda ay Imaan doonaan Macalimiin kale haddii Alle idmo.

Hoos ka Dhagayso warbixita kulanka iyo macalimiinta yimid

[audio: http://www.alminhaaj.com/minhaaj/wp-content/uploads/2015/09/Codka-Kulanka-Jaamacada-1.mp3 ]

Nuur Jaamac
Garowe Somalia

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online