Maamulka Jaamacadda Nugaal ee Laascaanood oo soo dhaweyn u sameeyey Arday Cusub

September 28, 2015 - Written by Editor
1Laascaanood:-Munaasabad lagu qabtay xarunta koowaad ee Jaamacada Nugaal ee magaalada Laascaanood ayaa waxa ka  qayb galay maamulka sare, Macalimiinta iyo qaar ka mida waalidiinta ardaydaasi cusub. Munaasibadaasi oo ujeedadeedu ahayd in ardayda cusub lagu war galiyo nidaamka iyo shuruucda jaamacadda Nugaal University  ay leedahay, ayaa waxa ka hadlay Masuuliyiin ka tirsan Jaamacaddaasi. Gudoomiyaha Jaamacada Nugaal oo ugu horeyn ka hadlay munaasibadaasi ayaa sheegay inuu hambalyeynayo ardayda cusub siday iskaga xilsaareen inay Jaamacada bilaabaan.
Qaar ka mid ah ardayda cusub oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin ku soo biiridda Jaamacadda Nugaal University. Guddoomiyaha Jamaacadda Nugaal University Proff Abdirisak Lafoole oo la hadlayay ardayda cusub ayaa ku bogaadiyay inay ku dadaalaan tacliinta sare oo ay ka faa’iideystaan xilliga ay socdaan xiisadaha.
Ardayda cusub ee soo dhaweynta loo sameeyay ayaa aha aarday aad u fara badan , kuwaas oo doortay kuliyadaha kala duwan ee ay Jaamacadda dhigato, waxaana ardayda laga qaaday imtixaan. Jaamacada Nugaal ayaa hada leh 10 Kulliyadood oo kala duwan kuwaasoo laga barto culuumta kala duwan ee aadamuhu maanta ka bartaa Jaamacada dunida ee ku kala yaalla 203 wadan dunida ka jira , kuwasoo ay wax ka bartaa dadyowga dunida maanta ku nool .

no images were found

En Mawliidd Isma Haradigeed
Laascaanood,Somalia

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online