Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh oo dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho

September 6, 2015 - Written by Editor

xasanMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtey kadib markii uu soo dhameystey booqasho uu ku tagey dalka Talyaaniga. Madaxweynaha oo wafdigiisa ay ku wehliyeen xubno ka tirsan labada gole (Golaha Wasiirrada iyo Baarlamanka Federaalka), iyo mas’uuliyiin kale ayaa intii uu joogay Talyaaniga waxaa uu wadahadalo la yeeshay Madaxweynaha Talyaaniga, Sergio Mattarella, Wasiirka Gaashaandhigga Roberta Pinotti, qaar ka mid ah madaxda shirkadaha ganacsiga Talyaaniga iyo mas’uuliyiin kale.

Waxaa kale oo Madaxweynaha intii uu joogay Talyaaniga uu magaalada Milano kaga qeyb galey Carwada Caalamiga ee Milano 2015, halkaas oo khudbad uu ka jeediyey uu ka caddeeyay in Soomaaliya ay diyaar u tahay ganacsi iyo maalgashi ay caalamka la yeelato.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxaa uu la kulmey qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan dalka Talyaaniga.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online