Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Gaas oo Daah-furay Sanduukha Horumarinta Gobalka Mudug.[Masawiro]

September 9, 2015 - Written by Editor

IMG_5353Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 9-9-2015 magaalada Gaalkacyo ku Daahfuray Sanduukha Horumarinta Gobalka Mudug , oo larabo inuu qeyb weyn ka qaato horumarinta balaaran ee ka soconaya guud ahaan Gobalka.

Xafladda Daahfurka oo ka dhacday Hoolka weyn ee Hotelka uunlaaye ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa lagu casumay oo ka qeyb-galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Siciid Xassan Shire , Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalle , Wasiiro, Xildhibaano, Isimo, Ganacsato, Waxgarad, Haween iyo masuuliyiin kale.

Madasha ayaa lagaga dhawaaqay gudi ka kooban Wasiiro, Ganacsato , Waxgarad iyo bulshada rayidka ah ee Gobalka, kuwaasi oo hogaaminaya sandhuukha horumarinta Gobalka Mudug, waxaana siweyn loo soo dhaweeyey magacaabista gudiga iyo daahfurka sanduukha .

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Siciid Xassan Shire , Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalle Cawad, Isimadii iyo ganacsatadii ka qeyb-gashay munaasibadda ayaa si wadajir ah u bogaadiyey daahfurka sanduukhaan iyo hurumarka balaaran ee dhinac kasta ah ee ka soconaya Gobalka Mudug.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad taariikhi ah dhinacyo badana taabanaysay ka jeediyey munaasibadda ayaa sheegay in Gobalka Mudug yahay Gobal amaan ayna kajirto xasilooni baahsan oo lagu kalsoonaan karo.

Madaxweynaha ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in sanduukhaan horumarineed furanyahay lana rabo in lagu horumariyo guud ahaa Gobalka Mudug, Gobalada kale ee Puntland ayuu sheegay in si lamid ah uu rajeynayo in uga furmaan si looga dhabeeyo baaqii madaxweynaha ee ahaa Puntland ha isku tashato.

Shacabka Gobalka Mudug oo ku dhiiran horumarka soconaya ayaa siweyn u soo dhaweeyey daahfurka Sanduukhaan iyagoona muujiyey inay taageero weyn oo hiil iyo hooba leh lagarab istaagayaan sidii ay u horumarin lahaayeen Gobalka Mudug oo qaadaya dhabada horumarka iyo Nabad-gelyada .

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online