Madaxweynaha dowladda Puntland oo laga sugayo magaalada Gaalkacyo

September 14, 2015 - Written by Editor

IMG_1870Gaalkacyo:-Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa la filayaa maanta in uu dib ugu soo laabto magaaladda Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Madaxweyne Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maalintii Sabtiga ahayd ee la soo dhaafay gaaray magaalada Kismaayo halkaas oo ay uga soo qayb gaeen xaflada caleema saarka Madaxweynaha dowladda Jubbaland Axmed Maxamed islaan (Axmed Madoobe) Oo loo doortay in Jubbaland uu hogaamiyo 4 sano ee soo socota.

Garoonka diyaaradaha ee Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa u sugan Wasiiro, Xildhibaano , Waxgarad iyo qeybaha bulshadda kuwaas oo u diyaar garoobaya in ay soo dhaweeyaan wafdiga Madaxweyne Gaas oo la sugayo in uuu soo gaaro magaalada Gaalkacyo Saacaddaha nagu soo beegan.

Warbaahinta iyo wariyaasha ayaa hadda ku sugan Garoonka diyaaradaha ee Cabdulaahi Yuusuf Axmed si ay u soo tabiyaan imaanshaha wafdiga Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Gaas.

Kala soco wixii Faahfaahin ah Halgan.net

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online